Khayre oo kula kulmay Muqdisho mas'uul sare oo ka tirsan dowlada UK

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul Wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta oo Axad ah Muqdisho kula kulmay Agaasimaha Siyaasadda wasaarada arrimaha dibadda Ingiriiska, Richard Moore.

Xafiiska Khayre ayaa shaaciyey in dhinacyadda kulankooda ay diiradda ku saareen xoojinta "iskaashiga labadda geesood ah ee dib u habeynta dhaqaalaha, amniga, siyaasada iyoo barnaamjiyadda horumarinta".

"Waxaa sharaf ii ah in aan qaabilo Richard Moore, agaasimaha siyaasadda Boqortooyadda Ingiriiska," ayuu yiri Khayre oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee uu ku leeyahay Twitter-ka.

Moore, sidda ku sooyaal nololeedkiisa, ayaa horey u soo noqday Lataliyaha Amniga Qaranka UK iyo safiirada wadankaasi u qaabilsan wadanka Turkiga.

Danjiraha Ingiriiska u fadhiya magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, Ben Fender iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan xafiiska ra'iisul wasaaraha ayaa waxay goobjoog ka ahaayeen kulankii maanta.

Kulanka Khayre iyo Richard Moore ayaa wuxuu kusoo aadayaa iyadda oo Sabtidii xero tababar oo ay Britain hirgelisay laga daah-furay magaaladda Baydhabo, xarunta ku meel gaarka Koonfur Galbeed

Isla shalay waxaa xaruntaasi tababar loogu furay askar boqolaal gaareysa xili kuwa kale loosoo xiray tababar, kuwaasi oo loo diyaariyey in ay ku biiraan dagaalka ka dhanka ah xoogaga Al-Shabaab.

Degaanada maamulka Koonfur Galbeed oo ay ku xoogan tahay kooxda gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa la rumeysan yahay in ay kamid yihiin meelaha ay kooxda kasoo abaabusho weerarad ay Muqdisho ka geysato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM