Khayre oo la kulmay Boqor Salman [Maxay kawada hadleen?]

Image

RIYADH, Saudi Arabia - Wafdiga Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ee ku sugan maalintii labaad dalka Sacuudiga ayaa maanta qasriga madaxtooyadda kula kulmay boqor Salman Bin Cabdicasiis.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka Ra'iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay kawada hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

"Waxaa sharaf ii ah inaan la kulmo Boqor Salman Bin Cabdicasiis, waxaana kawada hadalnay arrimo badan oo ku saabsan danaha guud iyo xoojinta xiriirka taariikheed ee labada dal. Kulanku wuxuu ahaa mid faa'iido leh oo miro ah," ayuu lagu yiri qoraalka.

Khayre ayaa sidoo kale is arkeen shalay madax katirsan boqortooyadda Sacuudiga, oo wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi kamid yahay, iyadoo booqashadiisa labada maalmood ah la filayo inuu maanta oo Arbaco ah soo afjaro.

Safarka Khayre ee Sacuudiga oo ah midkii ugu horeeyay oo uu ku tago Sacuudiga tan iyo markii la magacaabay Febuary 2017, ayaa yimid kadib markii uu isaga codsaday in loo soo diro casuumaad, taasoo mudo uu sugayay.

Xiriirka Sacuudiga iyo Dowladda Soomaaliya ayaa xumaa mudooyinkii dambe, iyadoo beeshii ugu hooseysay uu gaarey markii Xukuumadda Khayre sheegtay inay dhex-dhexaad ka tahay xisaadda u dhaxeysa dalalka Khaliijka carabta.

Mowqifka Dhexdhexaadnimada Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay mid afka baarkiisa ah, kadib markii ay si dadban ula safatay Qadar, oo rag miisaan leh ku dhex leh dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM