Khayre oo la kulmay ganacsatada Soomaaliya xili uu jiro walaac

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaae Xasan Cali Khayre oo xalay xafiiskiisa ku qaabilay Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa kala hadlay sida la iskaga kaashan karo ka hortagga faafidda caabuqa COVID-19.

Iyaddoo uu jiro walaac ka imaanaya bulshada, Kulanka ayaa sidoo kale looga arrin-saday inaysan  wax saameyn ah ku yeelan maciishadda tallaabooyinka looga hortagayo faafidda caabuqan.

Sidda lamid ah, waxaa leysla soo qaadey in dowladdu kala shaqeyneyso ganacsatada fududeynta waxyaabaha muhiimka u ah nolosha bulshada.

Ra’iisul Wasaraaha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed uga mahadceliyay sidda ay qeybta uga qaateen dadaallada looga hortagayo faafidda caabuqa COVID-19.

Kulanka oo ay qeyb ka ahaayeen masuuliyiinta hay’adaha dowladda ee ku howlan ka hortagga COVID-19 oo soo bandhigay warbaxin ka hadlaysa waxyaabaha qabsoomay iyo qorshayaasha looga gaashaamanayo cudurka.

Soomaaliya ayaa illaa iyo haatan xaqiijisay hal kiis oo Coronavirus ah, kaasoo laga helay muwaadin ka yimid Shiinaha oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cismaan.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in ay baaritaan ku waddo todoba kale oo ka kala yimid China iyo Talyaaniga, kuwaasoo looga shakisan yahay in ay la nool yihiin caabuqaas faafa.

Sidda ay shaacisay Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee WHO, fayruska dilaaga ah ayaa illaa iyo haatan wuxuu dunida ka galaaftey tobban kun oo ruux, iyaddoo la diiwaan-geliyey kiisas gaaraya in ka badan 130-kun oo qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismari-waaga Siyaasadeed oo Halis Geliyay Rajadii Dowladda ee Taageerada Caalamiga ah iyo Ajandaha Amniga

Midda koowaad ayaa ahayd inay sare u qaaddo kalsoonida deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 07:50PM

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya kadib markii Wasiir loo diiday gelitaanka Kenya

Dhacdadan ayaa timid wax ka yar bil kaddib markii sidoo kale la sheegay in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 01:22PM