Khayre oo la kulmay madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub

Image
Image

BRUSSELS, Belgium - Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo madaxweyne ku-xigeenka midawga Yurub, Federica Mogherini ayaa Kula kulmay magaalada Brussels ee xarunta ururkaas.

Kulanka ayaa looga hadlay xariirka xooggan ee ka dhexeeya midawga Yurub iyo Soomaaliya, nabadda, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo taageerada xoojinta dimuquraadiyadda.

Federica Mogherini, oo ah siyaasi 46-sano jir ah una dhalatay Talyaaniga, ayaa sidoo kale waxay tahay wakiilka Midawga Yurub u qaabilsan arrimaha dibadda iyo siyaasadda amniga.

Mogherini ayaa adkeysay sida ay midawga Yurub ka go’antahay in Soomaaliya ay ku taageeraan hiigsigeeda dhismaha ku tillaabsata siyaasad loo dhanyahay, amni iyo dhaqaale ahaanna horumarsan.

"...oo ka faa’iideysata bulshadeeda hal abuurka leh ee dhallinyarada u badan iyo khayraadkeeda dabiiciga ah," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska wasiirka koowaad ee Muqdisho.

Kulanka Ra'iisul Wasaaruhu uu ka la qaatay Federica Mogherini ayaa qayb ka ah shirar uu Brussels kula qaadanayo hoggaanka cusub ee midawga Yurub oo kamida daneeyeyaasha Soomaaliya.

Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in shirka lagu soo qaadey arrimaha doorashooyinka dalka ka qabsoomaya 2020-21, taas oo madmadow qaabka ay noqoneyso maadaama aan wali lagu heshiin.

Doorashadda ayaa la filayaa in ay noqoto qof iyo cod ah. Hase ahaatee, xisbiyo iyo maamulada qaar waxay shaki geliyeen arrintaas "maadaama aanan la hirgelin qodobadii lagu gaari lahaa".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM