Khayre oo la kulmay la taliyaha amniga qaranka Mareykanka

Image
Image

WASHINGTON, US – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta magaalada caasimada ah ee Washington kulan kula qaatay la taliyaha amniga Qaranka Mareykanka, John Bolton.

Khayre iyo Bolton ayaa ka wada hadlay horumarka ay Soomaaliya ka sameyneysay soo kabashada dhaqaalaha, dib-u-habeynta hay’adaha amniga iyo sida uu Mareykanku u joogtaynayo taageerada Soomaaliya la dagaallanka argagixisada.

Wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ah ayaa uga mahadceliyay John Bolton soo dhaweynta diirran ee uu ugu sameeyay aqalka cad iyo wadhadallada miro dhalka ah ee ay wada yeesheen.

John Bolton oo ah ninka ugu sareeya dowlada Mareykanka ayaa aad ugu dhow Madaxwayne Donald Trump, kaasi oo horey ugu amray ciidamada dalkaasi ka jooga Soomaaliya ay kordhiyaan duqeymaha.

Dhanka kale, ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Washington waxa uu kulan kula qaatay madaxweynaha cusub ee Bangiga Adduunka, David Malpass.

Khayre iyo Malpass ayaa ka wada hadlay dardar-gelinta howlaha dib-u-habeynta hay’adaha dowladda iyo kaalinta uu bangiga adduunku ka geysanayo.

Kulanka ayaa qeyb ka ah kulamo uu Ra’iisul Wasaaruhu la yeelanayo madaxda bangiga adduunka, hay’adda lacagta dunida ee IMF iyo hay’adaha maaliyadda adduunka ee Washington ku kulansan Gugan.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa qeyb ka ahaa mas’uuliyiinta hay’adaha maaliyadda dalka sida Guddoomiyaha cusub ee bangiga dhexe, Hanti-dhowraha Qaranka iyo Wasiirrada maaliyada iyo qorsheynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti kordhinaysa Ciidanka ka jooga gobolka Hiiraan xili Al-Shabaab 2 degmo lawareegtay

Al-Shabaab ayaa dhawaan la wareegtay Moqokori iyo Maxaas oo Hiiraan katirsan, halkaasoo ay Ciidamada Jabuuti ka howlgalaan.

  • Soomaliya

    31-07-2025

  • 05:43AM

Sidee Ciidanka Taageersan Dowladda Federaalka Ula Wareegeen Gacan Ku Haynta Beled-Xaawo?

Ilo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Garowe Online ayaa sheegay…

  • Soomaliya

    30-07-2025

  • 08:11PM