Khayre oo laga fogeeyay kiiska askarta ku maqan Eritrea

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Kiiska askarta Soomaalida ah ee tababarka loogu qaadey Eritrea wuxuu ka bilowday hay’ada sirdoonka kuna dhamaadey xafiiska madaxweynaha, sida ay sheegtay Samira Gaid, lataliyihii hore ee amniga ra’iisul wasaarihii hore, Xasan Cali Khayre.

Gaid, oo u warantay barnaamijka Bandhiga ee 17-kii June, 2021 ka baxay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da, ayaa daaha ka rogtey in xukuumaddii Khayre aysan wax kaalin ah ku lahayn qaabka askarta tababarka loogu qaadey dalka Eritrea.

Sida laga soo xigtay Gai doo sidoo kale ah falanqeeye arrimaha ammaanka, waxaa jira heshiis ay hogaamiyeyaasha labada dal kala saxiixdeen kaasoo aan soo dhaafin Villa Soomaaliya.

"Haddii aan tusaalo ku siiyo ciidamada ay hada Turkidu tababaraan waxaa heshiiska saxiixay wasiirkii gaashaandhiga oo hada ah afhayeenka baarlamaanka, golaha wasiirada ayaa la keenay oo lagu ansixiyey. Sidoo kale, ciidamada ay Ingiriisku tababaraan marka ay joogaan Baydhabo waxaa heshiiskaas golaha wasiirada keenay wasiir Amar-dambe," ayay tiri.

Sida uu xeerinayo dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, heshiis walba oo dowladda federaalka galeyso waa in la marsiiyaa Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka. Haddii habraacaas aanan la marsiin wuxuu noqonayaa sharci darro.

Hay’adda mukhaabaraadka Soomaaliya ayaa doorka ay ku lahayd askarta loo qaadey Eritrea wuxuu ahaa in ay diiwaan-geliso askarta oo badankooda ahaa dhalinyarro ayna jiraan warar xusaya in lagu qaldey in loo qaadayo waddanka Qadar.

Khayre oo haatan kamid ah musharaxiinta u taagan qabashada jagada ugu sareysa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dalka wasiirka koowaad ka ahaa markii askartan loo qaadayey Eritrea, hase ahaatee, xafiiska ma joogin markii laga dagaalgelinayey waqoyga dalka Itoobiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM