Khayre oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyo kala dirida Guddiga Maaliyadda BF

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xoghayaha Guddiga Maaliyadda ee Gollaha Shacabka, oo maanta la kala diray, Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa eedeyn kulul u jeediyay Ra'iisul Wasaare Khayre iyo Xukuumadiisa.

Wareysi uu siiyay VOA-da, ayuu Xildhibaanka ku sheegay in Guddiga ay duulaan kusoo qaadeen Khayre iyo gudoomiye ku xigeenka labaada ee Gollaha Shacabka, Mahad Cabdalla Cawad, islamarkaana ay iyagu ka dambeeyay go'aankii Muudey ku kala diray.

Waxa uu sharci darro ku tilmaamay Warqadda uu soo saarey Cabdiweli Muudey, gudoomiye ku xigeenka kowaad ee lagu shaaciyay in gebi ahaanba lakala diray Gudiiga, isagoo hoosta ka xariiqay in xitaa uusan gudoonka sare kala diri karin guddiga Maaliyadda.

Xildhibaanka ayaa intaasi ku daray in markii uu soo baxay go'aanka Muudey uu la xiriiray Maxamed Mursal, Gudoomiyaha Gollaha Shacabka oo haatan dalka ka maqan, kaasoo u sheegay inuusan waxba kala socon warqadda.

"Gollaha Shacabka waxaa kusoo duulay guud ahaan, si gaar ahaana Gudiiga Maaliyadda ragga uu hor-boodayaan gudoomiye ku xigeenka labaada ee Gollaha iyo Ra'iisul Wasaare Khayre," ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Sidoo kale waxa uu Xildhibaanka xusay in Xukuumadda haatan dalka ka jirta ay tahay mid aan ogoleyn in lala xisaabtamo, taasina ay meesha ka saareyso howshii Gollaha Shacabka iyo mas'uuliyadda ka saaran inuu la xisaabtamo hay'adaha dowladda. 

Arintan ayaa ka dhalatay warbixintii uu Guddiga uu soo saarey dhawaan taasoo ku eedeynaysa Masaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda maamul xumo dhinaca maaliyadda iyo lacag ka maqan miisaaniyadda 2018, oo gaareysa $20 milyan oo dollar.

"Bangiga Dhexe ee dowladda waxaa soo gaartay lacag dhan $50 Malyan sannadkii 2017 kana timid Sacuudiga, isla sanadkaas waxaa la iscticmaalay lacag dhan $30 malyan halka ay Wasaaraddu guddiga kusoo wargelisay $20ka Malyan oo ka hartay loo wareejinayo sanadka 2018 balse lacagtaas kama muuqato dakhliga dowladda mudada u dhaxaysa Janaayo ilaa Agoosto 2018 sidoo kale ma muuqato in lacagtaasi ay kasoo wareegtay sannadkii 2017 kuna soo wareegtay Miisaaniyadda 2018 dakhli ahaan” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saareen Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka.

Warbixintan oo ahayd mid ku noqotay Xukuumadda Khayre Ban siyaasadeed lagu qarxiiyay barnaamijkeeda ay ku sheegtay ianay kobcisay dhakhliga, islamarkaana la dagaalantay musuq-maasuqa ka jira gudaha dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM

Fahfaahin: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka saakay ka dhacay Damaanyo, oo ah meel muhiim ah oo AS bartilmaameed u ahayd.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 08:31AM