Mareeye oo loo magacaabay wasiirka cusub ee Warfaafinta Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa saacado kadib magacaabay wasiirka cusub ee wasaarada warfaafinta kadib is-casilaadii Daahir Maxamuud Geelle.

Khayre ayaa bedelka Geelle ka dhigay Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye], sidda ku cad digreeto kasoo baxday xafiiska wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah.

Maareeye, oo xilal kala duwan oo kasoo qabtay Laamihii Fulinta ee dalka soo maray ayaa kahor jagadaan cusub waxa uu ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshahada.

Xilka uu faarujiyay Maxamed Cabdi, oo sidoo kale ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya, ayaa loo xushay in uu buuxiyo Cabdullaahi Cali Xasan.

Marka loo eego qaabka degdeg ah ee magacaabista, tani ayaa muujineysa in Khayre uu ka war-qabay is-casilaada Geelle, oo sidoo kale horey u soo noqday safiirka dalka u fadhiyay Sacuudiga.

Geelle ayaa sababta uu shaqada uga tegay waxa uu ku sheegay kala aragti duwanaanshiyo soo kala dhex-gashay isaga iyo madaxda dowlada federaalka ah gaar ahaan arrimaha gudaha, dibadda iyo xiriirka maamuladda.

Waa wasiirkii Shanaad oo iska casila Golaha Wasiirada ee uu hogaamiyo ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre tan iyo markii xafiiska yimaadeen horaantii sanadkii 2017-kii.

Maryam Qaasim, wasiirkii Gargaarka iyo Ka hor-tagga Musiibooyinka ayaa xafiiska u baneysay "farogelin lagu sameeyay shaqadeeda iyo isku dhex-yaac ka dhex jirta hay'addaha dowlada".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM