Khayre oo Muqdisho ku laabtey, kulan deg deg ahna la qaatey Mursal

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta dib ugu soo laabatey magaalada Muqdisho, kadib markii uu soo gaba-gabeeyay booqasho uu ku tagey dalka Qadar.

Wax yar kadib markii uu caasimadda kasoo degay, Khayre ayaa kulan albaabada u xiran kula qaatey xarun wasaaradeed oo nawaaxiga Isgoyska Zoobe ku taalla, waxaana la xiray wadooyinka oo ciidamo badan la dhigay.

Xildhibaano dhex-dhexaadin ka wadey Khilaafka gudoonka Gollaha Shacabka ayaa la sheegay inay ka qeyb-qaateen Kulanka, kaasoo aan wali laga heynin fahfaahin ku saabsan waxyaabihii ay Khayre iyo Mursal ku heshiiyeen.

Illo ku dhaw Kulanka caawa oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Tacliinta sare ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in labada mas'uul uga wada hadleen Khilaafka ka dhex taagan Gollaha Shacabka iyo Mooshinka xilka qaadista ee laga keenay Farmaajo.

Arrimaha xariga Mukhtaar Roobow iyo doorashada Koonfur Galbeed, oo la filayo inay dhacdo 19-ka Bishan oo ku beegan maalinta arbacada berri ah ayaa sidoo kale ay isla soo qaadeen Khayre iyo Mursal inta uu socday kulankooda gaarka.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli shalay ay kulmeen Mursal iyo labadiisa ku xigeen, oo iska afgartay arrimaha taagan iyo sidii dib loogu furi lahaa kulamada Gollaha shacabka, oo hakad ku yimid markii uu billowday khilaafka ka dhashay kala dirista Guddiga Maaliyadda iyo Mooshinka laga keenay Farmaajo.

Gudoomiye Mursal ayaa hadda u muuqda mid kasoo dabacay mowqifkiisii hore, waxaana la ogeyn inuu aqbali doono in uu ka takhaluso Mooshinka yaalla, iyo go'aankiisii hore ee ahaa in Guddiga Maaliyadda uu shaqadiisa sii wato.

Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa kulanka Mursal la qaatey kadib markii uu kasoo laabtey Qadar, halkaasi oo wadahadallo qodobadii looga hadlay wali la shaacin kula soo yeeshay mas'uuliyiin uu kamid yahay amiirka dalkaasi.

Qadar ayaa saameyn ku leh siyaasadda Soomaaliya xilligan, maadaama ay jiraan saraakiil sare oo xiriir dhaw la leh oo ku jira dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM