Khayre oo Qatar uga qayb galay furitaanka Madasha Dooxa

Image
Image
Image
Image

DOOXA, Qadar - Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta Sabti ah wuxuu ka qayb galay furitaanka madasha Dooxa.

Madasha Dooxa ayaa qorshuhu yahay in ay socoto maanta iyo berri, ayna kasoo qeyb geleen madax ka socota qaar kamid ah dowladaha caalamka iyo hey'ado caalami ah.

Isu-imaatinkaan ayaa waxaa furay amiirka Qatar, Tamim bin Hamad Al Thani.

Khayre oo ay u tahay markii sedaxaad ee uu ka qayb galo ayaa maalinta berri ah khudbad ka jeedinaya madasha Dooxa oo sannadkaan looga hadlayo ajandayaal muhiim ah.

Waa sanadkii saddexaad oo uu wasiirka koowaad ee xukuumadda Muqdisho uu ka qeybgalo.

Hadal-jeedintiisa ayaa Khayre waxaa lagu wadaa in uu kusoo qaado xaaladda dalka gaar ahaan ammaanka, dhaqaalaha, siyaasadda iyo doorashooyinka soo aadan.

Qadar ayaa kamid ah dowladaha xiriirka dhow la leh dowladda madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] tan iyo markii la doortay bishii Febraayo ee 2017-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM