Khayre oo safar dhulka ah ku gaaray magaalada Cadaado

Image
Image
Image
Image

CADAADO, Galmudug - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar dhulka uga soo baxay magaalada Madaxda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa gaaray degmada Cadaado ee gobalka Galguduud.

Wafdiga uu Ra’iisul Wasaaruhu hoggaaminayo ayaa intii ay safarkooda ku jireen waxaa magaalada Godinlabe kusoo dhaweeyay madaxwaynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] iyo Mas’uuliyiin kale

Wasiirro, xildhibaanno mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo uu wehliyo Madaxwaynaha Galmdug ayaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyay magaalada Cadaado.

Ra’iisul Wasaaraha oo safar shaqo ku yimid Galmdug ayaa "qorshihiisu yahay qaabkii uu reer Galmudug ugu caawin lahaa dhismaha dowlad gobaleed loo dhanyahay".

Xaaf ayaa wafdiga wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka kasoo galbiyey degaanka Godinlabe ee u dhaxeeya magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Socdaalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadda oo uu Xaaf shaaciyey in lasoo afjaray khilaafkii kala dhaxeeyay Madaxtooyadda tan iyo bartamihii sanadkii lasoo dhaafay.

Galmudug ayaa waxaa la rajeynayaa in ay doorasho ka qabsoonto bisha soo aadan ee Julaayo 2019, taasi oo lagu dooran doono hogaan iyo Xildhibaan cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM