Khayre oo safar dhulka ah ku gaaray magaalada Cadaado

Image
Image
Image
Image

CADAADO, Galmudug - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar dhulka uga soo baxay magaalada Madaxda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa gaaray degmada Cadaado ee gobalka Galguduud.

Wafdiga uu Ra’iisul Wasaaruhu hoggaaminayo ayaa intii ay safarkooda ku jireen waxaa magaalada Godinlabe kusoo dhaweeyay madaxwaynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] iyo Mas’uuliyiin kale

Wasiirro, xildhibaanno mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo uu wehliyo Madaxwaynaha Galmdug ayaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyay magaalada Cadaado.

Ra’iisul Wasaaraha oo safar shaqo ku yimid Galmdug ayaa "qorshihiisu yahay qaabkii uu reer Galmudug ugu caawin lahaa dhismaha dowlad gobaleed loo dhanyahay".

Xaaf ayaa wafdiga wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka kasoo galbiyey degaanka Godinlabe ee u dhaxeeya magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Socdaalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadda oo uu Xaaf shaaciyey in lasoo afjaray khilaafkii kala dhaxeeyay Madaxtooyadda tan iyo bartamihii sanadkii lasoo dhaafay.

Galmudug ayaa waxaa la rajeynayaa in ay doorasho ka qabsoonto bisha soo aadan ee Julaayo 2019, taasi oo lagu dooran doono hogaan iyo Xildhibaan cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM