Khayre oo Dhuusamareeb u tegaya daahfurka shirka dib u heshiisiinta

Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye ayaa shaaciyey in shirka dib u heshiisiinta Galmudug uu furmayo Arbacadda soo aadan oo ay taariikhdu tahay 4-ta September 2019.

Eng Sabriye oo dhammaan ergooyinka reer Galmudug uga mahad celiyay ka qayb galka shirka ayaa codsaday in guddiga dib-u-heshiisiinta gacan lagu siiyo ka guul gaaridda shir-weynaha.

Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug, Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow ayaa munaasabadda ka sheegay in dadaal badan ay guddigu geliyeen isu keenidda ergada.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, waxa uu sidoo kale sheegay inta laga gaarayo maalinta uu shirku furmayo in ergada loo sameynayo wacyi gelin, iyo kaararkii ay uga qayb geli lahaayeen shirka.

Dhanka kale, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa lagu wadaa in gaaro xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, si uu u furo shirka lagu wado in uu Saacadaha soo socda halkaasi ka furmo.

Shirkan oo loo qorsheeyay in uu socdo tobban illaa iyo shan casho ayaa waxaa xigi doona shir kale kaasi oo bulshooyinka maamulkan ku sameyn doonan awood qeybsi siman.

Ammaanka magaaladda ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la geeyay ciidamo cusub oo isugu jira AMISOM iyo booliska federaalka, kuwaasi oo nabad-gelyadda sugaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM