Khayre oo Dhuusamareeb u tegaya daahfurka shirka dib u heshiisiinta

Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye ayaa shaaciyey in shirka dib u heshiisiinta Galmudug uu furmayo Arbacadda soo aadan oo ay taariikhdu tahay 4-ta September 2019.

Eng Sabriye oo dhammaan ergooyinka reer Galmudug uga mahad celiyay ka qayb galka shirka ayaa codsaday in guddiga dib-u-heshiisiinta gacan lagu siiyo ka guul gaaridda shir-weynaha.

Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug, Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow ayaa munaasabadda ka sheegay in dadaal badan ay guddigu geliyeen isu keenidda ergada.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, waxa uu sidoo kale sheegay inta laga gaarayo maalinta uu shirku furmayo in ergada loo sameynayo wacyi gelin, iyo kaararkii ay uga qayb geli lahaayeen shirka.

Dhanka kale, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa lagu wadaa in gaaro xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, si uu u furo shirka lagu wado in uu Saacadaha soo socda halkaasi ka furmo.

Shirkan oo loo qorsheeyay in uu socdo tobban illaa iyo shan casho ayaa waxaa xigi doona shir kale kaasi oo bulshooyinka maamulkan ku sameyn doonan awood qeybsi siman.

Ammaanka magaaladda ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la geeyay ciidamo cusub oo isugu jira AMISOM iyo booliska federaalka, kuwaasi oo nabad-gelyadda sugaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM