Khayre oo telefoonka kula hadlay wasiirka arrimaha dibada Ruushka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka wuxuu ku shaaciyey in uu telefoonka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergey Lavrov.

Sidda ku xusan war-saxaafadeedka kooban, wadahadalada labada mas'uul ayaa dhacay shalay oo Isniin ahayd, 20-ka April sanadkan 2020.

Lama ogga dhinaca lahaa codsiga wadahadalada. Wasiirka koowaad ee xukuumadda Muqdisho ma uusan caddeyn arrinkaas.

Sidoo kale, waxaa nan caddeyn ujeedada iyo ajendaha dhabta ah ee wadahadalada, balse Khayre wuxuu la xiriiriyey Coronavirus.

"Waxaan ku faraxsanahay in wada sheekeysi muhiim ah aan maanta [Isniin, 20-ka April, 2020] la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Ruushka mudane Sergey Lavrov. Arrimaha ugu muhiimsan ee aan kawada hadalnay waxaa kamid ah xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashiga dedaalada looga hortagayo faafitaanka Covid19," ayaa lagu yiri qoraalka Khayre.

Marka laga soo tago shaacinta Khayre, ma jiro wax hadal ah oo ku saabsan wadahadalkaan oo kasoo baxay Lavrov iyo xukuumada Moscow.

Soomaaliya iyo Ruushka ayaa kamid ah wadamada uu saameyay cudurkaas safmareenka ah; Muqdisho waxay xaqiijisay 237 kiis, sideed dhimasho ah iyo afar qof oo ka bogoosatay; Ruushka waa 404 geeri ah iyo 47,121 kiis.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM