Murashax Xasan Cali Khayre oo u dhoofay Jamhuuriyadda Jabuuti

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Maanta Garoonka Muqdisho ka duulay Xasan Cali Khayre isagoo kusii jeeda dalka Jabuuti. Waa safarkii ugu horeeyay tan iyo markii xilka looga qaadey mooshin July 25.

Lama oga ujeedka safarka Khayre ee Jabuuti, laakiin waxay kusoo beegmaysaa xili uu Khayre dhawaan shaaciyay inuu yahay Musharax Madaxweyne, isagoo kusoo biiray tartan la filayo inuu noqon doono midkii ugu adkaa.

Ma jiro qoraal rasmi ah oo xafiiska murashax Khayre kasoo baxay kaasoo fahfaahin dheeraad ah looga bixiyey booqashadiisa Jamhuuriyadda Jabuuti.

Khayre ayaa noqday Ra'iisul Wasaarihii ugu mudada dheeraa, isagoo lasoo shaqeeyay Farmaajo in ka badan saddex sano iyo bar, laakiin isku qabtay arrimo ay ka mid tahay doorashooyinka 2020-21.

Madaxda DF iyo Maamullada ayaa dhawaan soo saarey jadwalka doorashooyinka, iyagoo isku raacay in la doorto Xildhibaanada laga billaabo 1-da December illaa January, waxaana xiga doono Madaxweynaha doorashadiisa oo dhici doonto Febuary 8.

Doorashada wax badan kama duwana tii dhacday 2016-2017, waxaa lagu soo kordhiyay 50 ergo iyo in labo goobood laga dhigay meelaha lagu doo dooranayo Xildhibaanada Gollaha Shacabka.

Socdaalka uu Khayre ku aadey Jabuuti ma noqon doono midkii ugu dambeeyay, sidda laga soo xigtay dadka la socda ololihiisa, kuwaasoo intaas ku daray in uu ku fekerayo in uu tago wadamo kale gobolka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM