Murashax Xasan Cali Khayre oo u dhoofay Jamhuuriyadda Jabuuti

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Maanta Garoonka Muqdisho ka duulay Xasan Cali Khayre isagoo kusii jeeda dalka Jabuuti. Waa safarkii ugu horeeyay tan iyo markii xilka looga qaadey mooshin July 25.

Lama oga ujeedka safarka Khayre ee Jabuuti, laakiin waxay kusoo beegmaysaa xili uu Khayre dhawaan shaaciyay inuu yahay Musharax Madaxweyne, isagoo kusoo biiray tartan la filayo inuu noqon doono midkii ugu adkaa.

Ma jiro qoraal rasmi ah oo xafiiska murashax Khayre kasoo baxay kaasoo fahfaahin dheeraad ah looga bixiyey booqashadiisa Jamhuuriyadda Jabuuti.

Khayre ayaa noqday Ra'iisul Wasaarihii ugu mudada dheeraa, isagoo lasoo shaqeeyay Farmaajo in ka badan saddex sano iyo bar, laakiin isku qabtay arrimo ay ka mid tahay doorashooyinka 2020-21.

Madaxda DF iyo Maamullada ayaa dhawaan soo saarey jadwalka doorashooyinka, iyagoo isku raacay in la doorto Xildhibaanada laga billaabo 1-da December illaa January, waxaana xiga doono Madaxweynaha doorashadiisa oo dhici doonto Febuary 8.

Doorashada wax badan kama duwana tii dhacday 2016-2017, waxaa lagu soo kordhiyay 50 ergo iyo in labo goobood laga dhigay meelaha lagu doo dooranayo Xildhibaanada Gollaha Shacabka.

Socdaalka uu Khayre ku aadey Jabuuti ma noqon doono midkii ugu dambeeyay, sidda laga soo xigtay dadka la socda ololihiisa, kuwaasoo intaas ku daray in uu ku fekerayo in uu tago wadamo kale gobolka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM

Turkiga oo kordhiyay Maalgelinta Soomaaliya, balse muwaadiniinta Soomaaliyeed u diiday E-Visa

Soomaaliya ayaa weli ah dal muhiim u ah istiraatiijiyadda gobolka, sababo la xiriira goobta ay ku taallo iyo fursadaha kheyraad ee ay leedahay.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 08:50AM