Khayre oo u safray Mareykanka xili uu fahfaahiyay ujeedka socdaalkiisa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Sidda uu horey u baahiyay warsidaha Garowe Online, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maanta oo Axad ah u boqoolay magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ah waxaa socdaalkiisa ku wehlinaya wafdi wadar ahaan ka kooban 11 xubnood oo qaarkood ay yihiin wasiiro iyo howlwadeeno xafiiskiisa kamida.

Wasiirada Maaliyada iyo Qorsheynta, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Jamaal Xasan ayay kala yihiin xubnaha xukuumada ka tirsan ee wafdiga Khayre raacay, iyada oo ay jiraan mas'uuliyiin kale.

Hanti-dhowraha guud ee qaranka, Maxamed Cali Afgooye, agaasimaha sirdoonka qaranka, Fahad Daahir Axmed [Fahad Yaasiin] iyo xubno kale ayaa si lamid ah qayb ka ah wafdiga ra’iisul wasaaraha.

Khayre oo qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku fahfaahiyay ujeedka safarkiisa ayaa sheegay in uu kulamo kula yeelanayo Shirka Gu'ga madax ka tirsan hay’adda lacagta aduunka.

Sidda uu ogaaday warsidaha Garowe Online, Khayre ayaa inta uu ku sugan yahay Mareykanka wuxuu la fariisan doonaa lataliyaha amniga qaranka Mareykanka iyo daneenayaasha Soomaaliya.

"Aragtideena waa in aan horumarinayo ajendaha dib u habaynta qarankeena," ayuu ra’iisul wasaaruhu yiri, isaga oo u umuuqda mid sharaxaya waxa kala hadli doonan dhinacyada ay la kulmayaan.

Illo ku dhow xafiiska Khayre ayaa u dusiyay GO in ahmiyada ugu wayn ee safarka Khayre ay tahay qorshaha dayn cafinta iyo warbixin ku saabsan shuruudaha lagu xiray in laga cafiyo qaantaasi.

Waa socdaalkii labaad oo uu Khayre ku aado Mareykanka inta uu xafiiska joogo. Bishii Maarso ee sanadkii hore ayuu kaga qaybgalay shir ay isugu yimaadeen wadamada taageera Soomaaliya.

Safarka uu wasiirka koowaad ugu amababaxay Mareykanka ayaa kusoo aadaya iyada oo uu maanta ku buuxiyay xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka saddex boos oo ka banaaneed Golihii Wasiirada. [Halkaan ka akhriso]

Hoos ka akhriso magacyada xubnaha wafdiga qaybta ka ah

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: Madaxweynaha wuxuu shir la yeelan doonaa madaxdii hore ee dalka

Shirkan ayaa loo arkaa mid fure u noqon kara yareynta kala fogaanshaha siyaasadeed iyo dhisidda hannaan loo dhan yahay oo lagu wajahayo marxaladda kala guurka ah.

  • Soomaliya

    25-05-2025

  • 11:19AM

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM