Khayre oo u safray Qadar xili maamulada qaar ay xiriirka u jareen DF

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta oo Sabti ah waxa uu baqooley magaaladda Dooxa ee xarunta waddanka Qadar.

Sidda ay Garowe Online u sheegeen illo wareedyo lagu kalsoon yahay, wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah ayaa waxa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda dalkaasi.

Ujeedka dhabta ah ee socdaalka ra'iisul wasaaraha ma cadda balse xafiiska Khayre ayaa shaaciyey in uu kala xaajoon doona hogaanka wadankaasi Carbeeb xoojinta xiriirka labada dal.

"Ra'iisul Wasaare @HassanAKhaire ayaa saaka u ambabaxay dalka Qatar. Waxa uu kulamo looga hadlayo xoojinta xiriirka labada dal la yeelan doonaa mas'uuliyiinta dalkaasi," ayaa yiri xafiiska.

Safarkaan degdeg ah ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xili madaxweyne Farmaajo uu dalka Sacuudiga gaar ahaan magaaladda Dooxa uu uga qeybgalayo shirka Ururka Iskaashiga Islaamka.

Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu waddanka kusoo laabto saacadaha soo aadan.

Isbuucyo kahor ayay ahayd markii wadahadal dhanka telafoonka ay yeesheen Amiirka dalka Qadar iyo madaxweyne Farmaajo, iyaga oo kawada hadlay arrimo labada wadan quseeyo.

Qadar ayaa la rumeysan yahay in ay saameyn xoogan ku leedahay go'aanada siyaasadeed ee dowlada Farmaajo, maadaama ay gacan ku siisey doorashadii 7-dii Febraayo 2017-kii.

Safarkan ayaa imaanaya xili khilaafka qaar kamida maamulada dalka iyo dowladda uusan hagaagsaneen ayna soo dhowdahay doorashada Jubaland oo xukuumadda ku eedeysan tahay farogelinteeda.

Intaasi waxaa wehlisa in dowladaha Puntland iyo Galmudug ay todobaadkii hore xiriirka u jareen xukuumada oo ay ku eedeeyeen "maroosashada awoowda dalka iyo federaal diidnimo".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM