Khayre oo qaabilay wafdi ka socda UN-ka iyo Midowga Afrika

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heerkiisu sarreeyo oo ka socda Qaramada Midoobay iyo Midawga Afrika oo maanta booqasho ku yimid dalka.

Ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Amina Mohamed iyo ergayga gaarka ah ee midawga Afrika u qaabilsan arrimaha haweenka nabadda iyo amniga, MMe Bineta Diop, ayaa hoggaaminayay wafdiga.

Kulanka ay wada qaateen Ra'iisul Wasaaraha iyo wafdiga ka socday Qaramada midoobay iyo midawga Afrika ayaa waxaa goob joog ka aheyd wasiirka haweenka iyo xuquuqul Insaanka xukuumada federaalka.

Dhinacyadda ayaa shirkooda ay saxaafadda dibad jooga ka ahayd kaga hadlay dhismaha nabadda, xallinta khilaafaadka iyo sare u qaadidda dowrka haweenka ee ka qeyb galka siyaasadda.

Amina Mohamed iyo MMe Bineta Diop ayaa ka mahad celiyay soo dhaweynta, "waxayna bogaadiyeen guulaha muuqda ee lagu tillaabsanayo ee dhanka amniga, dhismaha nabadda, xuquul insaanka iyo dhiirri gelinta haweenka".

Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa kaalin muuqata ku leh soo kabashada dowladnimadda Soomaaliya, waxaana ay xafiis ku leedahay Muqdisho, kaasoo fududeeyay howlaha muhiimka ah.

Socdaalka wafdigan ayaa kusoo aadaya iyadda oo lagu wado in mas'uul sarre oo xoghyaha UN-ka u qaabilsan ilaalinta caruurta ay todobaadka soo aadan yimaadaan waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM