Khayre oo qaabilay wafdi ka socda UN-ka iyo Midowga Afrika

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heerkiisu sarreeyo oo ka socda Qaramada Midoobay iyo Midawga Afrika oo maanta booqasho ku yimid dalka.

Ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Amina Mohamed iyo ergayga gaarka ah ee midawga Afrika u qaabilsan arrimaha haweenka nabadda iyo amniga, MMe Bineta Diop, ayaa hoggaaminayay wafdiga.

Kulanka ay wada qaateen Ra'iisul Wasaaraha iyo wafdiga ka socday Qaramada midoobay iyo midawga Afrika ayaa waxaa goob joog ka aheyd wasiirka haweenka iyo xuquuqul Insaanka xukuumada federaalka.

Dhinacyadda ayaa shirkooda ay saxaafadda dibad jooga ka ahayd kaga hadlay dhismaha nabadda, xallinta khilaafaadka iyo sare u qaadidda dowrka haweenka ee ka qeyb galka siyaasadda.

Amina Mohamed iyo MMe Bineta Diop ayaa ka mahad celiyay soo dhaweynta, "waxayna bogaadiyeen guulaha muuqda ee lagu tillaabsanayo ee dhanka amniga, dhismaha nabadda, xuquul insaanka iyo dhiirri gelinta haweenka".

Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa kaalin muuqata ku leh soo kabashada dowladnimadda Soomaaliya, waxaana ay xafiis ku leedahay Muqdisho, kaasoo fududeeyay howlaha muhiimka ah.

Socdaalka wafdigan ayaa kusoo aadaya iyadda oo lagu wado in mas'uul sarre oo xoghyaha UN-ka u qaabilsan ilaalinta caruurta ay todobaadka soo aadan yimaadaan waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM