Khayre oo xil u magacaabay afhayeenkii hore ee baarlamaanka KG

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa wareegto laga sii daayey telefishinka qaranka wuxuu ku magacaabay wasiiru dowlaha ganacsiga iyo warshadaha xukuumada federaalka ah.

Xasan Cali Khayre ayaa xilkaas wuxuu u xushay Cabdiqadir Shariif Sheekhuna Maye, sidda ku xusan wareegtadda magacaabida.

Mr Maye ayaa ahaa afhayeenka baarlamaanka koowaad ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, xilkaas oo dhowaan loo doortay Cali Saciid Fiqi, oo xiriir dhow la leh madaxda Villa Soomaaliya.

Doorashada Fiqi ayaa la aaminsan yahay in ay maalgelisay Madaxtooyadda Qaranka, oo lagu eedeeyay in ay faragelisay coddeynta.

Wararka ayaa sheegaya in jagada haatan loo dhiibay Maye ay kamid ahayd balanqaad loo sameeyay, kaas oo uu ku ogolaadey in uu ka tanaasulay kursigiisa Xildhibaanimo iyo gudoomiyaha.

Mas'uulka cusub ayaa bedeli doona Daahir Cabdi Cabdullaahi [Dr Go], kaas oo aan wali la ka jawaabin xilka ka qaadistiisa.

Koonfur Galbeed waxaa waxaa hogaamiya Cabdicasiis Xasan Maxamed [Laftagareen], kaas oo xukuumadda Khayre ka tirsanaa. Qaramada Midoobay waxay sheegtay in doorashadiisa lagu bixiyey laaluush badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo digniin culus u diray dowlado shisheeye 

“Ciddii isku dayda inay kala qaybiso Soomaaliya waxay heli doontaa kaliya waqti, dadaal iyo diblomaasiyad khasaaray,” ayuu yiri madaxweynaha.

  • Soomaliya

    16-06-2025

  • 06:03PM

Muxuu La Kulmay Ninkii Kaliya ee Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradda ee Ay Ku Dhinteen 242 Qof?

Diyaaradda oo ahayd duulimaadkii AI171 kuna sii jeeday Garoonka Gatwick, ayaa waday….

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 09:16PM