Khayre oo magacaabey Wasiir cusub oo bedelay Cabdifitaax Geesey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa magacaabey Wasiir cusub u magacaabey Wasaaradda Howlaha Guud, 24 saac kadib markii uu xilkaasi iska-casilay Cabdifitaax Geesey.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa lagu shaaciyay in Cabdi Aadan Hosow loo magacaabey xilka Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska Soomaaliya.

"Maanta oo ay taariikhdu tahay 17-ka December 2018-ka maalinimo isniin ah,wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal wasaaraha,Ujeedo magacaabis wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska ka dib markii uu tixgeliyay laga maarmaanimada inuu buuxiyo xilka Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska oo banaanaaday,ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo xilka Wasiirnimo maanta oo ay taariikhdu tahay 17-ka December 2018-ka u magacaabay Mudane Cabdi Aadan Hoosow,wasiirka Cusub waxaa la farayaa in sida ugu dhaqsiyaha ula wareego Xafiiskiisa waana mahadsan tihiin,”.

Cabdifitaax Geesey oo ah Xildhibaan katirsan Gollaha Shacabka, ayaa xafiiska joogey mudo bilooyin ah waxaana sababta uu shaqada uga tagey ku sheegay faragelinta Xukuumadda Soomaaliya ku heyso arrimaha Koonfur Galbeed, oo isaga kasoo jeeda.

Khayre ayaa magacaabistan sameeyay isagoo dalka Qadar safar ugu maqan, islamarkaana ay xukuumadiisa ku furan yihiin mucaarado xoogan uu gudaha dowladda iyo dibadda ah, gaar ahaan Mooshinka Farmaajo laga keenay iyo arinta Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM