Khayre: Waan la dagaalameynaa AlShabaab ilaa aan ka ciribtireyno

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa ka tacsiyeey Alla ha u naxariistee dadkii lagu dilay weerarkii ay Al-Shabaab ku ekeysay dhismaha ay degan yihiin wasaaradaha Shaqada iyo Howlaha Guud.

Khayre ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ku geeriyooday qaraxyadaasi ugu duceeyay in Allaha uu jannadii geeyo, eheledii iyo asaxaabtiib ay ka bexeenna samar iyo iimaan uu ka siiyo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi gaar ah u diray Wasiir ku-xigeenkii Wasaarradda Shaqada iyo arrimaha bulshada, Saqar Ibraahim Cabdalla oo kamid ahaa dadkii naf-waayay dhacdadaasi.

Guud ahaan dadka ku dhaawacmay falkaasi ayuu u rajeeyay in Allah uu siiyo caafimaad deg deg ah, ayna kasoo kabtaan nabadarada kasoo gaarey "weerarkaasi argagaxiso."

Wasiirka Koowaad ee xukuumadda ayaa ballan qaaday in dawladda ay sii wadi doonto dagaalaka ay kula jirto "kooxaha argagaxisada ilaa laga tirtirayo jiritaankooda si ummadda Soomaaliyeed ay ugu noolaato nabad buuxda."

Duulaanka lagu qaaday dhismaha hoyga u ah labadaasi wasaaradood iyo taliska booliska gobolka Banaadir ayaa kusoo aadaya xili amniga caasimada uu faraha kasii baxaya.

In ka badan afar qarax ayaa maanta ka dhacday Muqdisho - mid kamid ah waxaa lagu dhaawacay Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka HirShabelle, halka kuwa kelana lagu dilay askar ka tirsan ciidamada.

Sidda laga soo xigtay qiimayn uu machadka Heritage ku sameeyay hogaanka Farmaajo labada sano uu talada hayo, amniga dalka ayaa garey meel ka liidata markii uu xafiiska la wareegayay. [Halkaan ka akhriso fahfaahina]

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA KHAYRE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya oo Hareeyay Shirka Kampala, Museveni oo Ku Baaqay Wada-hadal Loo Dhan Yahay

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka aragti duwanaaday soo jeedintan.

  • Soomaliya

    31-07-2026

  • 12:06PM

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM