Khayre: Waxaan ka badbaadney isku day dil oo qorsheysan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Musharax madaxweyne Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in isaga iyo qaar kamid ah Midowga Musharaxiinta ay maanta oo Jimce ah Muqdisho kaga badbaadeen isku-day la doonayey in lagu khaarijiyo.

Khayre oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa hadalkiisa wuxuu kusoo hagaagay markii maanta ay ciidamadda dowladda rasaaseeyeen xilli ay hogaaminayeen banaanbax ka dhan ah dowlada waqtiga ka dhacay.

"Waxaan aniga iyo dhowr musharax oo u taagan xilka Madaxweynaha, Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka, masuuliyiin kale iyo shacab badan ka badbaadnay isku dey dil ah oo toos oo lagu qorsheeyay in nalagu khaarijiyo," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray hadalkiisa: "Xalay saqdii dhexe waxaa weerar lagu qaaday madaxweynayaashii hore ee dalka, waxaana kasii digay natiijada siyaasada ku dhisan xukun isku dhajinta ee masiirka dalka godka looga tuurayo".

"Hadii uu harsanaa qof uu shaki uga jiray natiijada aragtida siyaasadeed ee ku dhisan kali-talisnimda iyo xukun-isku dhajinta, weerarkii xalay iyo isku deygii dilka musharaxiinta aan kamid ahaa ee maanta haku cibri-qaateen," ayuu xusay.

Wuxuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay: "Waxaa laga talaabsaday dastuurkii dalka, waxaa la jabiyay dhaqankii dowladnimada iyo xeerarkii bulshada ka dhaxeeyay, waxaana loo bareeray dilka madax hore iyo musharaxiin madaxweyne, Xildhibaanno iyo Muwaadiniin aan waxbo galabsan, dadkana waxaa loo diiday inay dareenkooda cabiraan, maxaa harsan oo xiga?".

Khayre oo kasoo muuqdey shir jaraa'id kadib xabadaha lagu furay ayaa wuxuu uga digay Beesha Caalamka in ay indhaha ka fariisadaan xaaladda waddanka ku jiro "hadii aad sii waddaan waxaad qeyb ka noqon doontaan dhibaatadda".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM