Kheyre oo magacaabey Gudi Aqalka Sare kala shaqeeya xalinta cabashooyinka maamullada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabey Gudi heer wasiirro ah, oo Aqalka Sare kala shaqeeya xalinta cabashooyinka dowlad-goboleedyada dalka.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, oo ku taariikheysan 22-ka bishan, oo maanta la shaaciyay ayaa lagu shaaciyay magacaabida gudiga oo ka kooban 4 wasiir oo kala ah;

Wasiirka arrimaha Gudaha [Gudoomiye],

Wasiirka Dastuurka [Xubin]

Wasiirka Maaliyadda [Xubin]

Wasiirka amniga [Xubin].

Ra'iisul Wasaare Kheyre ayaa ku sheegay war-saxaafadeedka in Gudigan iyo Aqalka Sare ay ka shaqeyn doonaan xalinta khilaafka siyaasadeed ee dowladda Federaalka kala dhaxeeya maamullada xubnaha ka ah.

Magacaabista ayaa timid kadib markii Gudoonka Aqalka Sare uu ku eedeeyay Villa Somalia inay ka caga jiideyso inay ka jawaabto tabashooyinka maamul goboleedyada ee ay u gudbiyeen.

Lama oga jawaabta ay ka bixin doonaan madaxda maamullada ee shirka uga socda magaalada Garowe ee xarunta Puntland, kuwsoo bishii lasoo dhaafay xiriirkii wadashaqeyneed u jaray dowladda Federaalka, oo ay ku eedeeyeen faragelin joogto ah inay ku haysoo arrimaha maamulladooda.

Talaabada uu qaadey Kheyre oo u muuqata mid ay uga fogaaneyso inay mar kale dowlad goboleedyadda ku eedeeyaan in aysan diyaar u ahayn wadahadal ayaanan la ogayn inay xal kama dambeys ah u noqon karto khilaafka dalka ka jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dhaqaale Xumo iyo Isbeddelada Hoggaamineed oo Saameyn ku yeeshay Dagaalka Al-Shabaab

Dhibaatada Ciidamada dowladda ayaa muujineysa baahida loo qabo dib-u-habeyn dhameystiran oo ku saabsan hoggaanka.

  • Soomaliya

    16-05-2025

  • 09:14AM

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM