Khilaafka diiwana-gelinta Puntland oo la horgeeyay golaha amniga

Image
Ku xigeenka ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa warbixintan u gudbisay golaha ugu sareeya UN-ka.

NEW YORK, United States - Ku xigeenka ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa warbixin ay u gudbisay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay kusoo qaadey diiwaan-gelinta lagu muransan yahay ee Puntland.

Warbixintan qoraalkan oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayay gudbisay kahor inta aysan hadal-jeedinta ka sameyn shirka goluhu uga doodey xaalada Soomaaliya.

Kiki Gbeho ayaa warbixinta ku qirtay in uu jiro khilaaf siyaasadeed oo hareeyay diiwaan-gelinta ayna diidmo ka muujiyeen qaar kamid ah ururadda siyaasadda ayna ku kala qeybsameen ciidamadda ammaanka Puntland.

"Puntland waxaa ka socday diyaar garowga doorashada golayaasha deegaanka, inkastoo dib u dhac uu ku yimid diwaan gelinta codbixiyayaasha. Diwaan galinta codbixiyayaasha ee wejigeeda hore loo qorsheeyay inay dhacdo bisha December 5-teedii ayaa la bilaabay 5-tii Janaayo si guddiga ku meel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ay u xaliyaan tabashada ururada siyaasada ee ku aadan hanaanka ay u socoto," ayay tiri.

May be an image of text

Gbeho ayaa waxay warbixinta si gaar ah carabka ugu dhufatay gobolka Nugaal halkaasoo xukuumadda Deni ay isku-dayday in ay qaab juub-juub ah kaga hirgeliso diiwaan-gelinta hubeysan balse ay ku guuldareysatay.

"Gobolka Nugaal waxaa [diiwaan-gelinta] ka soo horjeestay odayaasha dhaqanka iyo Taliye sare oo ka tirsan Ciidamada Kumaandooska, kuwaas oo ku doodey in hanaanka doorashada uusan ku dhisneyn is afgarad," ayay tibaaxdey.

Diblumaasiga ayaa warbixinta waxay ku caddeysay in natiijo la'aan kusoo dhamaadeen wadahadalo dhexmarey xubno ka socda dowlada Puntland iyo mucaaradka la isku af garan waayey.

"Ciidamo hubaysan oo la safan mucaaradka ayaa u guuray Garoowe waxayna rasaas isweydaarsadeen ciidamo daacad u ah dawladda Puntland 6-dii Febraayo. Iska horimaadku wuxuu dhammaaday markii odayaashu ay ku qanciyeen ciidamada hubaysan ee taageersan mucaaradka inay ka baxaan Garoowe," ayay hoosta ka xariiqdey.

Hadalka ergayga ayaa u muuqda in hanaanka diiwaan-gelinta Xukuumada Puntland ay waddo yahay mid aan la isku waafaqsaneyn ayna Beesha Caalamka ay dooneyso in hanaan daahfuran lagu soo gabagabeeyo is-mari-waaga jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM