Khilaafka Xasan Sheekh iyo Mahad Salaad oo Sii XOOGAYSTAY iyo Baqdin laga muujinayo Amniga Galmudug

Image

MUQDISHO, Soomaaliya — Waxaa si weyn u qoto-dhaaday khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) Mahad Salaad. Khilaafkan ayaa dhaliyay baqdin weyn oo ku saabsan inuu gogol-xaadh u noqdo iska horimaadyo iyo gacan-ka-hadal ka dhaca dowlad-goboleedka Galmudug, sida ay sheegayaan illo wareedyo xog-ogaal u ah wada-hadallada labada dhinac.

Wada-hadalladii siyaasadeed ee u dKhilaafka Xasan Sheekh iyo Agaasimaha NISA oo Sii XOOGAYSTAY iyo Baqdin laga muujinayo Amniga Galmudughexeeyay labada mas'uul ayaa u muuqda kuwo guuldarraystay ka dib shirar is-daba-joog ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo looga hadlayay mustaqbalka hoggaanka Galmudug ka hor doorashada madaxtinimo ee maamulkaas.

Illo wareedyo ayaa xaqiijiyay in shirkii ugu dambeeyay ee dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xuseen Cali Salaad uu kusoo dhamaaday natiijo la'aan, ka dib markii uu madaxweynuhu ku adkaystay in Liibaan Shuluq loo dhiibo madaxtinimada Galmudug, iyadoo loo marayo wax ay dadka xogta u dhow ku tilmaameen tallaabooyin amni iyo kuwo siyaasadeed.

Kulankaas ka dib, Xuseen Cali Salaad ayaa warbixin siiyay Mahad Salaad, isagoo hordhigay labo dookh oo kala ah in la qaato qorshaha madaxweynaha oo lala shaqeeyo hoggaanka dowladda federaalka, ama in la ballariyo wada-tashiyada siyaasadeed si loo dhowro xasiloonida iyo nabadgelyada Galmudug.

Sida ay sheegayaan illo wareedyo u dhow wada-hadallada, Mahad Salaad ayaa kaga jawaabay qodobadaas isagoo hordhigay Villa Somalia saddex shardi oo muhiim ah si heshiis loo gaaro, kuwaas oo kala ah in is-mari-waaga siyaasadeed ee Galmudug lagu xalliyo si nabdoon, in la qabto doorasho furan oo ay u tartami karaan dhammaan musharixiinta iska soo horjeeda, iyo in hoggaanka gobolka loo daayo qof kasta oo heli kara taageero ballaran, oo ay ku jirto kalsoonida Madaxweynaha hadda jooga ee Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Agaasimaha NISA ayaa sidoo kale ka digay inuusan taageeri doonin isku-day kasta oo keeni kara dhiig ku daata magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda u ah maamulkaas.

Khilaafkan sii kordhaya ayaa hadda halis ku ah inuu burburiyo xiriirkii ka dhexeeyay madaxtooyada Soomaaliya iyo madaxa sirdoonka, kuwaas oo markii hore loo arkayay xulfo siyaasadeed oo aad u dhow. Illo wareedyo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu weli ka go'an yahay inuu qaado tallaabooyin siyaasadeed oo ka dhan ah Madaxweyne Qoorqoor, haddii uu diido inuu saameynta Galmudug ku wareejiyo Liibaan Shuluq.

Ilaa hadda, haba yaraatee wax war ah oo ku saabsan kulamadani kama soo bixin dhanka Villa Somalia iyo Hay'adda NISA midna. Si kastaba ha ahaatee, arrimahan ayaa sare u qaaday walaaca ay qabaan indha-indheeyayaasha siyaasadda, kuwaas oo ka cabsi qaba in khilaafka hoggaanka Galmudug uu kiciyo dhibaato amni oo saameysa guud ahaan bartamaha Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafkii Villa Somalia Oo Banaanka Yimid: Mahad Salaad Oo Ka Horyimid Qorshaha Xasan Sheekh

Tallaabadaas ayaa la sheegay inay si weyn uga careysiisay Taliyaha Hay’adda Nabad..

  • Soomaliya

    27-05-2026

  • 10:32AM

Dalal Muslimiin ah oo cambaareeyay safaarad Somaliland sheegtay inay ka furanayso Qudus

Waxay sidoo kale si cad u diideen tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo ay sheegeen in ay wiiqayso madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    24-05-2026

  • 12:54PM