Kiisaska fayruska Corona ee Soomaaliya oo kor-u-dhaafay 300

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah waxay ku dhawaaqdey 41 xaaladood cusub oo ay fayruska safmarka ah ee Corona.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka, ayaa sheegtay in 31 kamid ah kiisaska cusub ay yihiin lab, halka 10-ka kale ay yihiin Dhegid.

Iyaddoo warbaahinta kula hadleysa Muqdisho, Fowziya ayaa intaas ku dartay in laba bukaan kale ay 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay dhinteen.

Sidda laga soo xigtay wasiiradda, waxaa sidoo kale soo caafimaadey laba bukaan kale, taas oo ka dhigan in ay ka baxeen xarunta karantiilka.

Tani ayaa ka dhigan in wadarta guud ee kiisaska ay gaareyso 327 xaaladood. Sidoo kale, dhimashadda waxaa gaartay 16. Bogsashada waa lix bukaan.

"Sidaad u jeedaan, tiradda way sii kordheysaa, waxaa looga baahan yahay dadka in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah," ayay hadalkeeda raacisay.

Sikastaba ha ahaatee, kororka kiisaska ayaa waxaa horey u saadaalisay Wasaaradda Caafimaadka uu cod dheer ku xustay in xanuunka uu ku dhex-faafay caasimadda isla markaana dadka is-qaadsiinayaan.

MUUQAALKA FOWZIYA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Saraakiil Soomaali ah oo ku dhow Xasan Sheekh oo wajahaya xayiraado safar - XOG

Waddamada reer Galbeedka ayaa bilihii u dambeeyay xoogga saaraya doorka caasimadaha Afrika ee deriska la ah Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 12:23PM

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM