Kiisaska iyo dhimashada Covid-19 ee Soomaaliya oo sarre u kacday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay ay diiwaan-gelisay 64 kiisas cusub oo ah safmarka Coronavirus.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka wasaaradaas, ayaa sidoo kale ka dhawaajisay in 4 qofood ay xanuunka ka caafimaadey iyo 1 bukaan oo u geeriyooday, afar iyo labaatankii saac ee lasoo dhaafay.

Marwo Fowziya ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 33, Somaliland 16, Galmudug 8, iyo Koonfur Galbeed 7. Bukaannada cusub 45 kamid ah waa rag ah 19 kalana waa haween.

Tani ayaa la macno ah in 1,421 xaaladood oo COVID-19 ah guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay, 152 ayaa guud ahaan ka bogsootay, Geeridu waxay mareysaa 56.

Wasiiradda oo wariyeyaasha kula hadashay magaaladda Muqdisho ayaa ku baaqday in midnimo looga qayb qaato xakameynta faafitaanka Feyruska Karoona.

"Dowladda oo dadaal xooggan ugu jirta in hannaanka ugu haboon loo xakameeyo safmarka COVID19 ayaa sameysay qorshayaal muhiim u ah sare u qaadidda bed-qabka bulshada iyo yareynta saameynta aan wanaagsaneyn ee cudurku ku yeelanayo bulshada," ayuu yiri xafiiska ra'iisul wasaaraha.

Soomaaliya ayaa haatan si buuxda hogaanka ugu qabatay wadamada Geeska Afrika marka ay timaado xaaladaha caabuqan safmareenka ah, waxayna booskaas kala baxday Jabuuti oo ku jirtay dhowaanahaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM