Kiiska Badda: DF oo difaacday mowqif ay ka qaadatay codsiga Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in dhigeeda Kenya ay mar kale codsatay in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda badda ee hortaala Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ.

Xukuumadda Nairobi ayaa cuskatay Coronavirus iyo in wajaheyso dhaqaale yari. Balse, Muqdisho waxay kasoo horjeesatay arrintaas, sidda uu ka dhawaajiyey ra'iisul wasaare ku xigeenka, Mahad Maxamed Guuleed.

Marka laga soo tago hadalka Dowladda Soomaaliya, ma jiro wax war ah oo ku saabsan arrintaan oo kasoo baxay dhanka dowladda Kenya.

Maxkamadda ICJ ayaa bishii November, 2019 waxay u muddeysay dhageysiga kiiska 8-da bisha June kadib codsi kaga yimid Kenya oo ku saabsanaa in muddo hal sano ah dib loogu dhigo si ay isku soo diyaariso.

Mahdi oo u waramay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayaa sharaxaad ka bixiyey sababta ay uga soo horjeesteen dalabka ka yimid Kenya, isagoona difaacay mowqifkooda.

"Waa run in dunida cudurkaasi uu ka dilaacay oo maqal furan oo maxkamadda gudaheeda ahi aanay dhici karaynin, isu socodkii aanu jirin oo duulimaadyadii lagu tegi lahaa Hague aanay jirin oonay shaqaynayn oo dal walba albaabadu u xiranyihiin. Hase yeeshee maxkamaddu waxay soo saartay in shaqadeedii ay wadi doonto habka maqalka iyo muuqaalka ahna ay dacwadaha ku dhegaysan doonto," ayuu ku daray.

Sidda laga soo xigtay Guuleed, waxaa jira kiisas dhowr ah oo ICJ ay ku dhageysatay habka fogaan aragga ah ee dunida wada isticmaasho hadda.

"Horta mar walba waa jirtay in meel ka baxsan maxkamada ama ha noqoto African Union ama IGAD ha noqoto in rabitaanka Kenya uu ahaa in meel ka baxsan lagu qaado ama lagu dhegaysto sifo diblomaasiya, anagu se waxaanu aaminsanahay in ay tahay arintaas in la soo af-jaro maxkamadda gacanta ku haysaana ay ka garnaqo," ayuu hadalkiisu ku daray.

Gal-dacwadeedka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa soo bilowday bishii August ee sanadkii 2014-kii, waxaana dhinacyadda ay isku hayaan goob hodan ku ah kheyraad oo ku taala xadka labadda wadan.

Tan iyo markii dowladda Soomaaliya ay gudbisay kiiskan waxaa madmadow uu soo galay xiriirka labadda waddan. Hogaamiyeyaasha labada dal oo dhowr jeer kulmay waxay isku raaceen in ahmiyadda qaboojinta xiisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay tahay sababta Mucaaradka u qaadacay Shirka Xasan Sheekh?

Go’aanka mucaaradka ayaa imanaya xilli uu sare u kacay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada.

  • Soomaliya

    09-06-2025

  • 09:31AM

Cali Jeyte oo ceeb ku tilmaamay hadalka Axmed Maclin Fiqi

Nuur Cabdi Rooble (Nuunuule), Caddaw iyo Macallin Cumar ayuu sheegay Wasiirka difaaca DF Axmed Maclin Fiqi in lagu dilay howlgalka.

  • Soomaliya

    08-06-2025

  • 12:28PM