Kiiska musuqmaasuqa Wasaarada Caafimaadka oo weji cusub yeeshay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Kiiska fadeexadda musuqmaasuqa ah ee hareeyay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa lugaha la galay wasaarado iyo hay'addo kale oo dowladeed, sidda uu sheegay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Suleymaani Maxamed Maxamuud, oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho, ayaa shaaciyey in ay baaris ku wadaan wasaaradaha iyo hay'addaha kale.

"Wuxuu xafiiska u digayaa dhamaan dadka hababka musuqmaasuqa u shaqeysta oo kamid ah hay'addaha dowladda. Waxa uuna cod dheer ugu sheegayaa in xafiisku soo qaban doono, sharcigana la hor-keeni doono qof kasta oo musuqmaasuq lagu helo, ciqaabta uu muteysanayana qofkaas aysan noqon doonin kaliya in la xiro laakiin uu la kulmi doono ciqaab maaliyadeed oo ay kamid tahay in khasnada dowladda uu ku celiyo dhamaan hantida uu ka dhacay Umadda Soomaaliyeed, taas oo kalifeysa in la xaraasho dhamaan hantida laga sameeyay musuqmaasuqaas," ayuu cod dheer ku sheegay Xeer-ilaaliyaha dalka.

Ma uusan magacaabin wasaaradaha iyo hay'addaha kale ee ku lug-yeeshay kiiska wax is-dabamarinta ee Wasaaradda Caafimaadka, balse wuxuu daboolka ka qaadey in kaalintooda ay isugu jirto "mid dadban iyo mid toos ah".

Isagoo dul istaagay kiiska Wasaaradda Caafimaadka, Dr Suleymaani ayaa tilmaamay in ay soo gabagabeeyay baaritaanka ayna hayaan caddeymo ku filan oo ay maxkamad kusoo taagi karaan dhamaan eedeysaneyaasha.

Caddeymaha ayaa isugu jira Jeegag, rasiidyo, boonooyin lacageed, heshiis loo sameystay in lagu musuqmaasuqo iyo caddeymo kale, sidda uu yiri.

"Ku dhowaad 20 qof oo isugu jira Agaasimeyaal – waaxeedyo iyo mid guud – madaxda mashaariicda ay waddo wasaaradda caafimaadka, lataliyeyaal, madaxda shirkado gaar loo leeyahay oo la shaqeeya wasaaradda, ganacsato iyo shaqaale kale ayaa loo xiray," ayuu raaciyey, isagoo xusay in ay ka dhowr sugayaan waqtiga ay Maxkamadda ku shaqada leh galkaan ay u mudeyso dhageysiga.

Sidda laga soo xigtay xeer-ilaaliyaha, waxaa "xayiraad iyo fatashaad lagu sameeyay" akoono kala duwan oo ay leeyihiin eedeysaneyaasha iyo shirkado lala xiriirinayo musuqmaasuqa, wallow uusan magacaabin xubnahaas.

Isagoo u muuqda mid ka jawaabay eedeymo uga yimid ehelada qaar kamid ah mas'uuliyiinta xiran, Suleymaani ayaa meesha ka saarey in saraakiisha lagu haysto arrimo siyaasadeed, wuxuuna ku waaniyey in ay cadaalada sugaan.

Fadeexada lun-sashada lacageed ee Wasaaradda oo la aaminsan yahay in ay la xiriirto deeq ka timid Beesha Caalamka oo loogu talagalay arrimo ay kamid tahay Covid-19 ayaa dhalisay in ra'iisul wasaaraha uu kalsoonida kala noqdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay tahay sababta Mucaaradka u qaadacay Shirka Xasan Sheekh?

Go’aanka mucaaradka ayaa imanaya xilli uu sare u kacay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada.

  • Soomaliya

    09-06-2025

  • 09:31AM

Cali Jeyte oo ceeb ku tilmaamay hadalka Axmed Maclin Fiqi

Nuur Cabdi Rooble (Nuunuule), Caddaw iyo Macallin Cumar ayuu sheegay Wasiirka difaaca DF Axmed Maclin Fiqi in lagu dilay howlgalka.

  • Soomaliya

    08-06-2025

  • 12:28PM