Nin u dhashay Ingiriiska oo lagu maxkamadeynayo Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Muwaadin u dhashay wadanka Ingiriiska oo lagu xiray Muqdisho bishii Janaayo ee sanadkan 2019 ayaa wuxuu kasoo muuqday Maxkamad ku taala magaala madaxda dalka Soomaaliya.

Anthony Thomas Cox ayaa lagu soo eedeeyay in uu carqaladeeyay nabad-gelyadda dadweynaha iyo in uusan ku wargelin laamaha amniga walxo qarxa uu ku watay boorso xili ka duulayay madaarka Aadan Cadde.

Illo wareedyo aad ugu dhow garsoorka Soomaaliya ayaa waxay u xaqiijiyeen warsidaha Garowe Online in la hakiyey gal-dacwadeedkan ka dhanka ah Cox, oo 48-sano jir ah.

Balse ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa joojinta kiiskan oo xukuumadda federaalka ah ay horey u balanqaaday in cadaaladda uu wajihi doono eedeysanaha.

Cox, oo ka tirsanaa shirkad arrimaha amniga ka shaqeysa oo ka howlgasha Muqdisho ayaa laga qabtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho 19-kii Janaayo, markii boorsadiisa laga helay sunta dadka ka ilmeysiisa.

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa 23-ka bishii Janaayo waxay amar ku bixisay in xabsiga lagu sii hayo ruuxan inta ay baaritaanka kasoo gabagabeynayaa dacwad oogeyaasha.

Shaqsiga ajaniga ah ayaa loo taxaabay xabsiga dhexe ee Xamar, halkaasi oo rag ku eedeysan Daacishnimo kuna hubeysan Sakiin ay ku weerareen dabayaada bishii Janaayo ee isla sanadkan.

Saraakiisha caafimaadka oo ku adkeystay in waxyeelo daran aysan Cox kasoo gaarin shaqaaqadaasi ayaa daboolka ka qaaday in xaaladiisu ay tahay mid "aad u wanaagsan".

Mas'uuliyiin ka tirsan safaaradda Britain ee Muqdisho ayaa xiligaasi ku booqday xabsiga, iyaga oo qiimeyn kusoo sameeyay bad-qabkiisa, iyaga oo dalbaday in laga wareejiyo qolka uu ku xirnaa iyo in la adkeeyo amnigiisa.

Sikastaba ha ahaatee, waa dhacdo dhif iyo naadir ah in xabsi ku yaala Muqdisho lagu xiro shaqsi ajnabi ah isla markaana maxkamad lagu soo taago magaalada caasimadda ah.

MUUQAALKA MAXKAMADDA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM