Koonfur Galbeed oo fahfaahisay shirka guddiga farsamada

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Isniinta maanta ah si rasmi ah wuxuu u xaqiijiyey in uu martigelinayo shir u dhaxeeya guddi farsamo oo min laba xubnood ay ku leeyihiin dowladda federaalka, maamuladda iyo maamulka gobolka Banaadir.

Ilyaas Saciid Cali, wasiirka warfaafinta Koonfur Galbeed oo u waramay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, ayaa sheegay in ay rajeynayaan in shirka uu furmi doono maalinta berri oo Talaado ah.

Mr Cali ayaa hoosta ka xariiqay in ay filayaan in wafuuda wasiiradda ah ay ugu dambeyn maanta gaari doonan magaalada Baydhabo si shirka uusan dib uga dhicin waqtiga loo muddeeyay.

Sidda laga soo xigtay wasiirka, wadahahalada ayaa diiradda lagu saarayaa qodobadii xudunta u ahaa burburka wadaxaajoodyadii Dhuusamareeb 4 oo ay kamid yihiin qadiyada gobolka Gedo, xulista wakiiladda Somaliland iyo guddiyadda maamulaya coddenta.

"Baahida keentay waa in loo talobadiyaa," ayuu hadalkiisa ku daray. "Madaxda waxaan ka rajeynaynaa in ay nala qaadan doonan qodobadda aan isla meeldhigi doono, hadii Ilaahey raali ka noqdo".

Guddigan farsamo oo shalay uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Maxamed Xuseen Rooble ayaa meesha ka saarey shirka 15-ka Febraayo uu u muddeeyay Farmaajo kaasoo la isku qabtay meesha uu ka dhaco Garowe ama Muqdisho.

Beesha Caalamka oo soo faragelisay is-faham-waaga ayaa soo jeedisay in guddiga farsamo soo dhiraan-dhiriyo qodobadda ay isku hayaan madaxda isla markaana kadib isugu yimaadaan shir guud oo ay ku saxiixi doonan qodobadda muranka ka taagan yahay ee doorashooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kooxda Xuutiyiinta oo ka Digtay Joogitaanka Israa'iil ee Somaliland

In kasta oo Somaliland ay ku dhawaaqday madax-bannaanida Soomaaliya sannadkii 1991-kii, haddana weli ma helin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    19-04-2026

  • 02:07PM

Lafta-Gareen oo fagaaraha kasoo muuqday kadib markii lagu tuurey xukunka Koonfur Galbeed 

Cabdiasiis Laftagareen wuxuu u ballan-qaaday xulafadiisa in xiriirkooda siyaasadeed uusan halkaas ku dhammaan doonin.

  • Soomaliya

    18-04-2026

  • 01:57PM