Koonfur Galbeed oo laga helay kiisaskii ugu horeeyay oo ah Corona

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Afar kiis oo ah Coronavirus ayaa laga helay degaanada maamul goboleedka Koonfur Galbeed, sidda ay maanta ku dhawaaqdey Wasaaradda Caafimaadka federaalka.

Wasiirka wasaaradaas, Fowziya Abiikar Nuur, ayaa ku xaqiijisay xaaladahaan shir jaraa'id oo ay ku qabatay magaaladda Muqdisho.

Balse ma aysan kala caddeynin magaalooyinka laga kala helay caabuqa, balse wararku waxay ku qeexayaan meelo ay ku jirto Baydhabo.

Tani ayaa ka dhigan in dhamaan dowlad goboleedyadda dalka uu gaarey xanuunka safmareenka ah, taas oo walwalka ku kordhineysa shacabka.

Koonfur Galbeed ayaa horey u soo rogtay talaabooyin ay kaga hortageyso cudurka, waxaana kamid ah bandow iyo joojinta qaadka.

Somaliland ayaa laga xaqiijiyey lix kiis, Puntland waa tobban xaaladood, Jubaland waa saddex, HirShabelle iyo Galmudug waa mid hal kiis.

Guud ahaan waddanka, 528 kiis ayaa si rasmi ah loo xaqiijiyey. Dhimashadda waxay mareysaa 28, dadka ka caafimaadey ee faarujiyey goobaha karantiilka waa 18, sidda ay xustay Fowziya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM