Koonfur Galbeed oo u diyaar-garoobeysa soo dhaweynta Khayre

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa kusii jeeda magaalada Baydhabo, xarunta ku meel gaarka Koonfur Galbeed xili maamulka uu u diyaar-garoobayo soo dhaweyntiisa.

Si amniga sarre loogu qaado, ciidamo dheeraad ah oo booliska sida gaarka ah u tababaran ah ayaa lagu soo daabulay wadooyinka muhiimka ah ee caasimadda, sidda ay warsidaha Garowe Online u sheegeen dadka degaanka.

Saraakiil ka tirsan xafiiska madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa GO u dusiyey in ujeedka socdaalka wasiirka koowaad ee feeraalku yahay dhagax dhigida mashaariicyo kala duwan oo ay maalgelinayaan dowlado kale.

Golaha Wasiirada dowlad goboleedkaasi oo todobaadkii hore ka doodey qaabka loosoo dhaweynayo Khayre ayaa u saarey guddi, kuwaasi oo ka shaqeyn doona qaabka qaabilaada ra’iisul wasaaraha.

Warbixinada la helay oo ay labadda dhinac xaqiijiyeen ayaa soo jeedinaya in Khayre uu socdaal ku tegi doono degaano ka tirsan gobolada hoos-yimaada maamulkaasi si uu mashaariicda qaar uga soo dhex-dhigo.

Wasiirka Cadaaladda xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho, Abukaate Xasan Xaaji Xuseen, ayaa dhowaan ku dhawaaqay in xarunta gobolka Bay dhowaan laga furi doono xabsi weyn oo lagu xiri doono rag Shabaabka ah.

Khayre ayaa wuxuu haatan ku sugan yahay degaanada maamul goboleedka Galmudug, halkaasi oo uu ka daah-furay shirka dib u heshiisiinta oo gogashiisa la dhigay magaaladda Dhuusamareeb.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM