Ku dhowaad 20 Soomaali ah oo laga helay safmarka faafa ee Covid-19

Image

ATHENS, Greece – Mas'uuliyiinta Gariiga ayaa sheegay in ay Covid19 ka heleen 17 soogalooti Soomaali ah, kuwaas oo kamid ahaa 38 qaxooti oo Jaziirada dalkaas ka tirsan ee Lesbos ku galay Doon, 6-dii bishaan August, 2020.

Kiisaska bukaanadan lagu karantiilay xerada barakacyaasha ee Kara Tepe ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyay ee laga helo xeradaas.

Michael Batzakis, oo ah maareeyaha xeraddan oo xaaladeedu wanaagsanaa kahor kiisaskan ayna booqan jireen siyaasiyiinta, ayaa tibaaxay in ay ku jiraan 1,011, isagoo wanaag u rajeeyay muhaajiriinta badqaba.

"Waxaanu dooneynaa in aan xaqiijino caafimaadka gudaha xerada. Si taas loo gaaro waxaanu siinay agabka ka hortagga iyo cunto. Si todobaadle ah ayaana u baari doonaa tirada kale ee inoo dhiman," ayuu xusay.

Afartan kun oo muhaajiriin ah ayaa ku sugan Gariiga ah, kuwaas oo baadigoobaya magan-gaylo. Xeryaha ay joogaan waxay u nug-linayaan halista fayruska maadaama aan loo hogaan-samin shuruucdda xakameynta.

Qaxootigaan ayaa badankooda ku sugan Jaziirada Greece, halkaasoo ay ku yihiin rajo sugayaan, wallow wadamada Yurub ay si cad uga biyo-diidan yihiin qaabilaadooda, Gariigana uu xuduudihiisa kasii xiranayo.

Soomaalida ayaa kamid ah soogalootigaas oo qaarkood ka tegaya Turkiga, iyagoo sheegaya in ay raadinayaa nolol dhaanta tan wadanka hooyo. Shaqo la'aan, amni iyo ka qeyb-gal la'aanta siyaasadda waa caqabadaha haysta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM