Ku dhowaad 60 qof oo saacadihii lasoo dhaafay lagu dilay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dagaal beeleedyo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay koonfurta Soomaaliya ayaa galaaftey nolosha ku dhowaad 60, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin iyo dad dusha kala socda xaaladahaas.

Isku dhacyo laga soo wariyey duleedka galbeed ee caasimada ku meelgaarka Jubaland ee Kismaayo ayaa lagu dilay dad tiradoodu u dhaxeyso 20 illaa iyo 30, kuwaas oo badankood ah dad shacab ah.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa amray laamaha ammaanka in ay qaboojiyaan xiisada ayaa dhinacyada dagaalamay uga digay in ay jebiyaan xabad-joojinta ay ka shaqeeyeen nabadoonadda.

Iska hor-imaad ka dhacay degmadda Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay 24, kuwaas oo 20 kamid ah ay shacab yihiin.

Ugu yaraan todoba qof oo afar kamid ah ay rayid yihiin ayaa lagu dilay tacshiirad laga soo tabiyey magaaladda Diinsoor ee gobolka Baay.

Cabdicasiis Laftagareen, madaxweynaha Koonfur Galbeed, ayaa sheegay in uu guddi u saarayo baaritaanka cidda hurineysa colaadda.

Madaxweynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo nasiib xumo ku tilmaamay in dhiig Soomaaliyeed uu macno darro ku daato ayaa madaxda gobolada faray in ay kala dhex-galaan beelaha diriray.

Inta badan dagaal-beeleedyadda laga soo wariyey qeybo kamid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa salka ku haya aanooyin qabiil oo muddo soo jiray iyo loolan siyaasadeed oo qabaa'ilka qaarkood u dhaxeeya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM