MD Ku xigeenka Jubbaland oo ka hadlay go’aanka maamulada

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxwayne ku xigeenka 2aad ee Jubbaland, Cabdulqaadir Xaaji Maxamed ayaa soo dhaweeyay go’aamadii kasoo baxay shirkii Madasha Iskaashiga dowlad goboleedyadda xubinta ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Go’aamadda ugu waa wayn ee kasoo baxay shirka waxaa qayb ka ahaa in dowlad goboleedyadda ay hakiyeen xiriirkii iyo wadashaqayntii kala dhaxaysay dowladda Federaalka, taasoo ay ka hor-yimaadeen ku xigeenka madaxda qaar.

Madaxwayne ku xigeenadda Galmudug iyo Puntland ayaa si isku ah uga soo horjeestay qodobadda kasoo baxay shirka Kismaayo, iyaga oo carabka ku dhuftay inaanan jirin cid awood u leh inay xiriirka ujarto dowladda dhexe.

Balse, Madaxwayne ku xigeenka labaad e Jubbaland ayaa garab istaag xoogan umuujiyay go’aamada hogaamiyaasha maamul goboleedyadda, isaga oo ku nuux-nuux saday inay tahay arrin ka dhalatay wadashaqayn xumo DF ka timid.

“Aniga ahaan, Madaxwayne ku xigeenka labaad ee Jubbaland waxaan qabaa inay ku saxan yihiin maamulada inay xiriirka ujaraan dowladda, sababtoo ah waxay timid xiriir xumo iyo masuuliyad ay iyadda marka hore muujisay,” ayuu yiri.

Dhinaca kale, warar soo baxaya ayaa shaaca ka qaadaya in Madaxwayne ku xigeenka koowaad ee Galmudug, Maxamuud Sayid Aadan uusan ku raac-saneen hogaanka Jubbaland qodobadda shirkaasi kasoo baxay.

Talaabadaan ayaa imaanaysa xili dowladda ay isugu yeertay Hogaamiyaasha dowlad goboleedyadda Shirka Gollaha Amniga Qaranka, kaasoo loo balamay inuu Magaalo madaxda dalka ka dhoco bartamaha bishaan September.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa sababay in Xasan Sheekh uu shir iclaamiyo, kadibna safar degdeg ah ugu ambabaxo Uganda?

Mucaaradku waxay ku doodayaan in hannaankaasi uu dalka geliyey kala qaybsanaan siyaasadeed, hubanti la’aan iyo xasillooni-darro.

  • Soomaliya

    26-10-2026

  • 11:56AM

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM