Kulane oo socdaal qarsoodi ah ku tagay magaalada Baydhabo

Image
Safarkan ayaa kusoo aadaya xilli Koonfur Galbeed ay bilaabeyso doorashadda xubnaha Aqalka Sare. [File Photo]

MUQDISHO, Soomaaliya - Kaaliyaha arrimaha siyaasada iyo amniga agaasimaha hay'ada sirdoonka Soomaaliya, Cabdullaahi Aadan Kulane, ayaa si qarsoodi ah ugu socdaalay Baydhabo, sida uu ogaadey bogga Garowe Online.

Sida ay muujinayaan warbixinadda, Kulane ayaa u tagay xarunta ku meelgaarka Koonfur Galbeed in uu kor-joogto ka ahaado doorashooyinka Aqalka Sare gaar ahaan shanta kursi ee lagu waddo in maanta la doorto.

Illo wareedyo si dhow ugu dhuun-daloola socdaalka Kulane ee magaala madaxda gobolka Baay ayaa rumeysan "in uu xaqijiyo saameynta Villa Soomaaliya dooneyso in ay ku yeelato xulista Senatoradaas afarta ah".

"Wuxuu fulinayaa siyaasadda madaxdiisa oo ah in Koonfur Galbeed ay kasoo baxaan Xildhibaano la og-soon yahay in ay u coddeynayaan Farmaajo doorashadda 10-ka October," ayuu yiri mid kamid ah illo wareedyada.

Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaa Kulane wuxuu ka qaadey xilka ku xigeenka madaxa NISA kadib markii uu jebiyay amar uu soo saarey oo ahaa in aan muwaadin laga hor-istaagi karn u socdaalida goboladda.

Cilaaqaadka ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed C/laahi Rooble iyo hogaanka maamulka Farmaajo ayaa sii xumaadey kadib talaabadan, sida warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen dhowr illo wareedyo kala duwan.

Xiriirkan sii xumaanaya waxaa tusaale u ah, sida ay sheegayaan dadka u dhuun-daloola qadiyadan, in agaasimaha hay'ada sirdoonka Fahad Yaasiin uu dib u magacaabay saraakiisha uu shaqada ka eryay Rooble.

Sida ay caddeynayaan macluumaadyadda, Fahad ayaa Cabdullaahi Aadan Kulane u magacaabay kaaliyaha arrimaha siyaasadda iyo amniga, halka booskiisa madaxa shaqaalaha loo xushay Cabaas Yacquub.

Cabaas oo kamid ahaa hogaanka sarre ee hay'adda hadana noqonaya agaasime ku xigeenka hay'adda ayaa si gaar ah wuxuu madax ka ahaa qeybta Maamulka, Maaliyadda iyo Tiknoolijiyada.

Sidoo kale, C/wahaab Sheekh Cali oo Rooble uu ka qaadey jagada taliyaha sirdoonka garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa, sida ay xoguhu xusayaan, waxaa loo dalacsiiyey madaxa qorsheynta iyo Tiknoolijiyada.

Isbadaladan ayaa la sameeyay iyadda oo Rooble uu booqasho ku joogo Ingiriiska halkaasoo uu kaga qeybgalayo shir madaxeed ku saabsan arrimaha horumarinta waxbarashadda wadamadda soo kabanaya wallow uu soo laabtey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM