Maamulada oo fahfaahiyey shirka ay ku yeelanayaan Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweyneyaasha shanta maamul goboleed ee ka jira Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku fahfaahiyey kulankii ay xalay ku yeesheen khadka Internet-ka.

War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen kaasoo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online ayay ku shaaciyeen laba qodob oo ay isla meeldhigeen mudadii ay ku guda jireen wada-xaajoodyadda.

Qodobka koowaad ayaa ah in ay isla garteen in ay isugu yimaadaan "shir deg-deg ah" oo looga hadlayo arrimaha siyaasada ee masiiriga ah gaar ahaan doorashooyinka heerka qaran ee 2020-ka.

"Shirkaas waxa uu ka dhici doonaa, hadii uu EBBE idmo 9-ka July, 2020, magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug," ayaa lagu yiri bayaanka oo ku taariikheysan 6-da July, 2020.

Kulanka deg-dega ee madaxweyneyaasha dowlad goboleedyadda ayaa kusoo hagaagay kadib markii uu baaqdey wadahadalo lagu wadday in ay Muqdisho ku yeeshaan dowladda federaalka ah iyo maamuladda.

Qoraalka kasoo baxay maamulada ayaa lagu xusay in ay shirka Dhuusamareeb ay "uga tashanayaan" sidii shir deg-deg ah isugu imaan lahaayeen madaxda dowlada iyo maamulada "sidda ugu dhaqsaha badan".

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa tibaaxaya in hogaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ay wajahayaan cadaadis kaga imaanaya Beesha Caalamka oo ku aadan in ay ka heshiiyaan nidaamka doorashooyinka.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Wajahaysa Isbeddel Amni xili uu dhamaanayo howlgalka Midowga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay saraakiisha sare ee dhinaca amniga.

  • Soomaliya

    25-07-2026

  • 12:29PM

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM