Maamulada oo fahfaahiyey shirka ay ku yeelanayaan Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweyneyaasha shanta maamul goboleed ee ka jira Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku fahfaahiyey kulankii ay xalay ku yeesheen khadka Internet-ka.

War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen kaasoo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online ayay ku shaaciyeen laba qodob oo ay isla meeldhigeen mudadii ay ku guda jireen wada-xaajoodyadda.

Qodobka koowaad ayaa ah in ay isla garteen in ay isugu yimaadaan "shir deg-deg ah" oo looga hadlayo arrimaha siyaasada ee masiiriga ah gaar ahaan doorashooyinka heerka qaran ee 2020-ka.

"Shirkaas waxa uu ka dhici doonaa, hadii uu EBBE idmo 9-ka July, 2020, magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug," ayaa lagu yiri bayaanka oo ku taariikheysan 6-da July, 2020.

Kulanka deg-dega ee madaxweyneyaasha dowlad goboleedyadda ayaa kusoo hagaagay kadib markii uu baaqdey wadahadalo lagu wadday in ay Muqdisho ku yeeshaan dowladda federaalka ah iyo maamuladda.

Qoraalka kasoo baxay maamulada ayaa lagu xusay in ay shirka Dhuusamareeb ay "uga tashanayaan" sidii shir deg-deg ah isugu imaan lahaayeen madaxda dowlada iyo maamulada "sidda ugu dhaqsaha badan".

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa tibaaxaya in hogaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ay wajahayaan cadaadis kaga imaanaya Beesha Caalamka oo ku aadan in ay ka heshiiyaan nidaamka doorashooyinka.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

QM: Al-Shabaab loogama adkaan karo dagaal keliya, DFS wadahadal hala gasho

Saul ayaa sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab ay diyaar u yihiin in laga wada hadlo mustaqbalka dalka.

  • Soomaliya

    27-05-2025

  • 06:01PM

Kheyre: Xasan Sheekh waa inuu joojiyaa doorashadda macmalka ah ee uu ku riyoonayo

Hadalkan ayaa imaanaya xilli muran iyo dhaliilo xooggan ay ka taagan yihiin hannaan doorasho oo dowladda Federaalka ay wado.

  • Soomaliya

    27-05-2025

  • 04:53PM