Kulankii Aqalka sare ku ansixin lahaa sharci muhiim ah oo baaqday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu waday in Talaadda maanta ah ay yeesheen mid kamid ah Fadhiyadooda caadiga ah, kaasi oo ay ku ansixin lahaayeen hindisa-sharciyeed aad muhiim u ah.

Hindisa sharciyeedka oo ay marsiin lahaayeen akhrinta saddexaad kahor inta aysan cod gacan-taag ah u qaadin ayaa waxaa uu ku saabsan yahay dhismaha Guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa.

Sharcigaan oo uu horey usoo meel-mariyay Aqalka Hoose ayaa waxaa soo diyaarisay wasaaradda Cadaaladda, taasi oo ku saleysay qaab dhismeedka, tirada xubnaha, shuruudaha laga rabo iyo waajibaadkiisa.

Hase yeeshee, kulankii maanta codka loogu qaadi lahaa ayaa baaqday, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen Xoghaynta Aqalka Sare, kuwaasi oo ka gaabsaday inay bixiyaan fahfaahinta sababta keentay baaqashada.

Xoghaynta Gollaha waa ay diideen inay shaaciyeen waqtiga kulanka xiga ee laga doodi doono Sharcigaan, islamarkaana ay Xilldhibaanadda meel-marin doonan, si loo horgeeyo Madaxwaynaha, oo uu qalinka ugu jiido.

Balse, wararka ayaa intaas ku daraya in tani ka dambeyso xili uu Mudanayaasha Gollaha uu usocdo Aqoon-is-weedaarsi ku saabsan Hiigsiga 2020-ka ee doorashadda qof iyo cod ee la filayo inuu dalku galo.

Doorashadda Soomaaliya lagu wado inay ka qabsoonto sanadkaasi ayaa noqon doonta mid ay xisbiyadda ku loolamaan inay metalaad ama aqlabiyad ay ku yeeshaan Labadda Gole – Gollaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Wasiirka Cadaalada Soomaaliya oo ka hadlay dhismaha Guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa ayaa carabka ku adkeeyay in waqti badan ay qaadan karto, isaga oo meesha ka saarey in si deg deg loosoo dhisayo.

Soomaaliya ayaa sanad kasta safka hore ka gasha liiska dalalka ugu musuqa badan caalamka, inkastoo ay tani jirto, hadana dowladihii u dambeeyay ee wadanka soo maray ayaa ku dadaalay sidii ay u ciribtiri lahaayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM