Kumaandooska DANAB oo howlgal ku dilay xubno katirsan Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in Kumaandooska DANAB ay fuliyeen howlgal kale, oo lagu beegsaday Kooxda Al-Shabaab gudaha degaanka DaaruSalaam, oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Xubno iyo Saraakiil ayaa lagu dilay weerar ka dhacay goob ay isku aruursanayeen dagaalyahanada Al-Shabaab, sida uu sheegay Jeneraal Ismaaciil Cabdimaalik, oo ah taliyaha guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka ee DANAB.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab, oo ku aadan sheegashada DANAB, taasoo kusoo beegmaysa xili Mareykanka uu kordhiyay mudooyinkii dambe duqeymaha Cirka oo ku beegsanayo Kooxda.

Al-Shabaab ayaa ku awood badan wali Shabeellaha Hoose oo degaanno badan ka maamusho, iyadoo dagaal kula jirta Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM oo taageero dhinaca hawada ka helaya Militeriga Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM