La tuhunsane Al-Shabaab oo la amray in xabsi lagu sii hayo

Image

NAIROBI, Kenya - Maxkamadda Mandheera ayaa ku amartay booliska inay sii wadaan inay gacanta ku hayaan qof looga shakisan yahay Al-Shabaab kaasoo baaqi kusii ahaanaya jeelka 14 maalmood oo baaritaan dheeraad ah.

Mohamed Muktar Wardere ayaa wuxuu kusii nagaan doonaa xabsiga booliska, kadib codsi uu u jeediyey Elijah Nakeel, oo ah sarkaal baaritaan ku haya kiiska.

Nakeel wuxuu ku adkeystay in baaxadda iyo kakanaanta dacwadda darteed loo baahan yahay waqti dheeri ah si looga faa'iideysto dhammaan waddooyinka baaritaanka.

Maxamed oo la rumeysan yahay in uu asal ahaan kasoo jeedo Soomaaliya waxaa 8-dii Juun 2021 laga qabtay Isbitaalka Gudbinta ee Rhamu ee Gobolka Waqooyi-bari ee Mandheera.

Waxaa loo qaaday Isbitaalka Gudbinta ka dib markii laga soo daad gureeyay goobtii uu ka dhacay weerarkii Isniintii toddobaadkii hore laga soo wariyey inta u dhaxeysa Olla iyo Sarman.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in uusan ka mid ahayn rakaab mid ka mid ah basaska la weeraray lagana waayey liiska taasoo sababtay in lagu tuhmo in uu qeyb ka ahaa dableyda weerarka.

Sarkaalka baaritaanka wuxuu intaas ku daray in eedeysanaha uusan dhalashadiisa oon la aqoon darteed uu waqti dheeraad ah u baahan yahay si uu u hubiyo shaqsiyadiisa iyo tafaasiisha safarkiisa.

Mas'uuliyiinta mukhaabaraadka ayaa aaminsan in Maxamed Muktar Wardheere uu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida.

Taleefankiisa gacanta ayaa loo gudbin doonaa ATPU Nairobi LAB si ay u falanqeeyaan. Dhageysiga dambe ee gal-dacwadkiisa waxaa loo muddeeyay 25-ka Juun 2021. Balse, ma noqon doonto fadhigii ugu dambeeyay ee galkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM