La tuhunsane Al-Shabaab oo la amray in xabsi lagu sii hayo

Image

NAIROBI, Kenya - Maxkamadda Mandheera ayaa ku amartay booliska inay sii wadaan inay gacanta ku hayaan qof looga shakisan yahay Al-Shabaab kaasoo baaqi kusii ahaanaya jeelka 14 maalmood oo baaritaan dheeraad ah.

Mohamed Muktar Wardere ayaa wuxuu kusii nagaan doonaa xabsiga booliska, kadib codsi uu u jeediyey Elijah Nakeel, oo ah sarkaal baaritaan ku haya kiiska.

Nakeel wuxuu ku adkeystay in baaxadda iyo kakanaanta dacwadda darteed loo baahan yahay waqti dheeri ah si looga faa'iideysto dhammaan waddooyinka baaritaanka.

Maxamed oo la rumeysan yahay in uu asal ahaan kasoo jeedo Soomaaliya waxaa 8-dii Juun 2021 laga qabtay Isbitaalka Gudbinta ee Rhamu ee Gobolka Waqooyi-bari ee Mandheera.

Waxaa loo qaaday Isbitaalka Gudbinta ka dib markii laga soo daad gureeyay goobtii uu ka dhacay weerarkii Isniintii toddobaadkii hore laga soo wariyey inta u dhaxeysa Olla iyo Sarman.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in uusan ka mid ahayn rakaab mid ka mid ah basaska la weeraray lagana waayey liiska taasoo sababtay in lagu tuhmo in uu qeyb ka ahaa dableyda weerarka.

Sarkaalka baaritaanka wuxuu intaas ku daray in eedeysanaha uusan dhalashadiisa oon la aqoon darteed uu waqti dheeraad ah u baahan yahay si uu u hubiyo shaqsiyadiisa iyo tafaasiisha safarkiisa.

Mas'uuliyiinta mukhaabaraadka ayaa aaminsan in Maxamed Muktar Wardheere uu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida.

Taleefankiisa gacanta ayaa loo gudbin doonaa ATPU Nairobi LAB si ay u falanqeeyaan. Dhageysiga dambe ee gal-dacwadkiisa waxaa loo muddeeyay 25-ka Juun 2021. Balse, ma noqon doonto fadhigii ugu dambeeyay ee galkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM