Laamaha amniga Soomaaliya oo xiray mas'uul damacsanaa is-qarxin

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay'addaha nabad-gelyadda ee Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay mas'uul ka tirsanaa gobolka Banaadir oo qarax maleegayey, sidda uu shaaciyey gudoomiyaha.

Cumar Maxamuud Maxamed [Cumar Filish], duqa Duqa, ayaa shaaca ka qaadey in shaqsigaan uu "dambiga qirtay".

La tuhunsanaha ayaa ah agaasime waaxeed ka tirsan gobolka Banaadir kaasoo lagu qabtay baarintaanka lagu sameeyay ismiidaantii xarunta gobolka ee 24-ka bishii July ee sanadkan 2019-ka.

Falkaas argagixisinimo ayaa waxaa dhabarka saaratay xoogaga Al-Shabaab ayaa lagu dilay todoba agaasime, saddex gudoomiye degmo iyo duqii caasimadda marxuum Injineer Yariisow.

"Waxaa la sheegay oo hay'addaha ammaanku baaritaanka ku ogaadeen in mid kamid ah agaasimeyaasha uu is-qarxiyey," ayuu ku daray Filish oo dalka Koonfur Afrika kula hadlayey Jaaliyadda.

Haweenay magaceeda lagu sheegay Maryama oo Eng Yariisow u qaabilsaneyd dhanka taageerida dadka aragga la' [camoole ah] ayaa waxaa la wariyey in ay ka dambeysay mahadhadaas.

Cumar Filish ma uusan soo bandhigin magaca mas'uulka uu ka dhawaajiyey in la qabtay iyo talaabadda xigta.

Hadalka Filish ayaa xoojinaya warbixin dhowaan kasoo baxday Guddiga Khubarada UN-ka oo hoosta ka xariiqday in ururka xiriirka la leh Al-Qaacida ku dhex-milmay hay'adda dowladda.

Al-Shabaab ayaa magaaladda Muqdisho laga saarey 2011-ka balse waxay ka fulisaa falal liddi ku ah ammaanka oo isugu jira dilal qorsheysan iyo qaraxyo ay ku beegsato xarumaha dowladda federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM