Lacagta ay DF u qoondeysay wada-hadalada Somaliland oo la shaaciyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mudaneyaasha labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa Axadii, 29-ka December, 2019, akhrinta labaad marsiiyey Miisaaniyadda dowladda ee 2020-ka.

Ku talagalka Miisaaniyadan oo Golaha Wasiiradda ay cod wadar ogol ah ku ansixiyeen bishii October, 2019, ayaa gaareysa $469.5 milyan, sidda uu sheegay Wasiirka Maaliyada, C/raxmaan Bayle.

Sharcidejiyeyaasha oo loo qeybiyey buuga Miisaaniyadda ayaa ka keenay su'aallo markii ay isha soo mariyeen. Su'aallahooda waxay ku qotomeen qoondooyinka la siiyey inaha kala duwan.

Meelaha ay su'aallasha ka keenayn waxaa kamid ah lacagta loo qoondeeyay wada-hadaladda Dowladda Federaalka iyo Somaliland oo hakad ku jira shantii sano ee lasoo dhaafay.

Sidda ku xusan Buugga Miisaaniyadda 2020, wada xaajoodyadda oo qorshuhu ahaa in mudada ay jirto xukuumada dib loo bilaabo ayaa loo qoondeeyay Afar boqol oo kun oo Doolar.

Xildhibaanadda su'aasha ka keenay qoondadaan ayaa xusay in ay aad u hooseyso, maadaama "ahmiyad weyn ay Ummadda Soomaaliyeed ugu fadhiso" wada-halada.

Wasaaradda Maaliyadda oo ka jawaabtay dhaliisha ayaa sheegtay "in markii laysla eegay xaaladaha jira leysla qaatay in cadadkaas loo qoondeeyo" wallow ay tibaaxday in la kordhin karo.

Lacagtaan ayaa la sheegay in ay adeegsan doonan Guddiga wada-hadaladda oo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu magacaabay.

Miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ee 2020-ka ayaa si ay dowladda u isticmaasho bilowga sanadka dambe waxay u baahan tahay in ay ansixiyaan labadda aqal ee xeer-dejinta federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM