Lacagta ay DF u qoondeysay wada-hadalada Somaliland oo la shaaciyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mudaneyaasha labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa Axadii, 29-ka December, 2019, akhrinta labaad marsiiyey Miisaaniyadda dowladda ee 2020-ka.

Ku talagalka Miisaaniyadan oo Golaha Wasiiradda ay cod wadar ogol ah ku ansixiyeen bishii October, 2019, ayaa gaareysa $469.5 milyan, sidda uu sheegay Wasiirka Maaliyada, C/raxmaan Bayle.

Sharcidejiyeyaasha oo loo qeybiyey buuga Miisaaniyadda ayaa ka keenay su'aallo markii ay isha soo mariyeen. Su'aallahooda waxay ku qotomeen qoondooyinka la siiyey inaha kala duwan.

Meelaha ay su'aallasha ka keenayn waxaa kamid ah lacagta loo qoondeeyay wada-hadaladda Dowladda Federaalka iyo Somaliland oo hakad ku jira shantii sano ee lasoo dhaafay.

Sidda ku xusan Buugga Miisaaniyadda 2020, wada xaajoodyadda oo qorshuhu ahaa in mudada ay jirto xukuumada dib loo bilaabo ayaa loo qoondeeyay Afar boqol oo kun oo Doolar.

Xildhibaanadda su'aasha ka keenay qoondadaan ayaa xusay in ay aad u hooseyso, maadaama "ahmiyad weyn ay Ummadda Soomaaliyeed ugu fadhiso" wada-halada.

Wasaaradda Maaliyadda oo ka jawaabtay dhaliisha ayaa sheegtay "in markii laysla eegay xaaladaha jira leysla qaatay in cadadkaas loo qoondeeyo" wallow ay tibaaxday in la kordhin karo.

Lacagtaan ayaa la sheegay in ay adeegsan doonan Guddiga wada-hadaladda oo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu magacaabay.

Miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ee 2020-ka ayaa si ay dowladda u isticmaasho bilowga sanadka dambe waxay u baahan tahay in ay ansixiyaan labadda aqal ee xeer-dejinta federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM