Lacagta ay Soomaaliya "u baahan tahay" si ay ula tacaasho COVID—19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya — Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyadda waddanka ayaa ku dhawaaqay in dalka u baahan yahay 57 milyan oo Doolar si uu uga hortaggo Coronavirus.

Talaabadaan ayaa laga sheegay shir ay dhinacyadda ku yeesheen magaalada caasimada ah ee Muqdisho, kaasoo maalintii labaad galay isla markaana diirada lagu saarayo qaabka loo wajihi karo.

Darafyadda ayaa sidoo kale waxay hoosta ka xariiqeen ahmiyadda ay leedahay in qaab mideysan oo abaabulan leyskaga kaashan karo marka ay timaado in la xakameeyo caabuqa si fudud ku faafa.

Deeq-bixiyaasha caalamka ayay sheegeen in ay ka rajeynayaan in ay soo dadejin doonan baaqyadda ka imaanaya dolwada iyo maamulada.

Garoomada diyaaradaha ayay carabka ku adkeeyeen in ay kamid yihiin meelaha loo baahan yahay in la adkeeyo ammaankooda isla markaana la karan-tiilo dadka ka imaanaya dalalka uu sameeyay cudurka.

Soomaaliya ayaa xaqiijisay laba kiis oo fayruska ah. Muwaadiniin ka kala timid China iyo Talyaaniga ayuu soo ritay caabuqa.

Qaaradda Afrika, kiisaska cudurka ayaa waxay ka badan yihiin kun, iyaddoo tiradda geerida ay gaareyso tobanaan ruux.

Guud ahaan caalamka, waxaa kiisaska ay ka badan yihiin 300-kun, iyaddoo dadka u dhintay ay kor-u-dhaafayaan 14-kun. Intaas waxaa wehlisa in ay aad u sareyso cabsida laga qabo in ay intaas kasii badato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM