Lacagta laga qaaday Murashaxiinta KG oo la ogaadey halka lagu bixinayo

Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Guddiga doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo gabagabeeyay diiwaan-gelinta murashaxiinta isku soo taagey qabashada xilka Madaxweynaha.

Illaa hadda Lix musharax oo ay kamid yihiin Mukhtaar Roobow, hogaamiye ku xigeenkii hore ee Al-Shabaab iyo Cabdicasiis Lafta-Gareen, wasiirkii hore ee Biyaha iyo Tamarta Soomaaliya, sida laga soo xigtay Guddiga qaban-qaabada doorashada.

Murashax walba oo kamid ah lixdan waxaa laga qaaday lacag dhan 22-kun oo dollar-ka Mareykanka ah, iyaddoo aanay ku jirin haweeney, maadaama dumarka loo qoon-deeyay in laga qaado 10-kun oo dollar.

Xubnaha diiwaanka isku qoray waxaa ugu caansan; Mukhtaar Roobow, Xuseen Calool Kuus, Aadan Saran-soor, Cabdicasiis Lafta-gareen, iyo murashaxiin kale, kuwaasi oo uu damac kaga jiro jagada ugu sareysa Koonfur Galbeed.

Wadarta guud ee haatan ku jirta gacanta Guddiga doorashadda waxay gaareysaa 132-kun oo Dollar-ka Mareykanka.

Xoghayaha Guddiga doorashadda dowlad goboleedkan, mudane Nuur Cismaan Ibraahim ayaa wax laga waydiiyay qorshahooda ku aadan lacagtani iyo shaqooyinka uu Guddiga u adeegsan doono.

Ibraahim ayaa daboolka ka qaaday in lacagta lagu qarash-gareyn doono howl-maalmeedka Guddiga, mushaarka shaqaalaha cusub oo ay qaadanayaan maalinta coddeynta iyo howlo kale oo Guddigu khuseeyo.

“Maya…ma dhici doonto,” ayuu ku jawaabay markii la waydiiyay hadii ay doorashada ka dhici karto musuq-maasuq ama wax isdabamarin, iyo hadii ay suurtaga tahay in lagu tagri falo lacagtani.

Ugu dambeyntii, Xoghaye Nuur ayaa ugu baaqay shacabka iyo siyaasiyiinta inay ku kalsoonaadaan Guddiga doorashadda, isaga oo carabka ku adkeeyay inay ka go’an tahay inay doorashada u qabtaan si xalaal iyo cadaalad ah.

Doorashadda Koonfur Galbeed oo loo mudeeyay 5-ta bisha December ee sanadkaan 2018 ayaa sida iska cad waxaa ku loolamaya mucaaradka dowlada haatan jirta iyo Villa Somalia oo murashaxiin kala wata.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM