Lafta Gareen oo booqasho ku tagey magaalada uu kasoo jeedo Roobow [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

XUDUR, Soomaaliya - Madaxwaynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed [Lafta Gareen] ayaa booqashadiisii ugu horeysay ku tagey maanta degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Waxaa safarka ku wehlinayay Madaxweyne Lafta Gareen qaar kamida wasiirada maamulka Koonfur Galbeed, Xildhibaano dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka KG.

"Muhiimada safarkeyga ayaa ah in aan indha indheeyo xaalada deegaanka iyo guud ahaan mida gobolka, waxaana shacabka u ballanqaadayaa in aan booqan doono dhamaan deeegaanada dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed isla markaana ka shaqeyn doono sidii la iskugu furi lahaa deegaanada loogana xoreyn lahaa argagixisada," ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta Facebook uu ku leeyahay Madaxweynaha.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa aad u adkeeyay amaanka Xudur kahor inta aysan soo caga dhigan diyaaradda wadey Lafta Gareen iyo wafdigiisa.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in socdaalka uu salka ku hayo dedaallo uu ugu jiro sidii uu ka dhameyn lahaa xiisada ka dhalatay xarigii Mukhtaar Roobow oo ciidamada Itoobiya ay ku xireen intii lagu guda jiray Olalaha doorashada KG, kadibna u gacan geliyay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Macluumaadka GO ayaa intaas ku daray inuu Madaxwaynuhu kulamo la qaadanayo Odayaasha Dhaqanka ee Beesha uu kasoo jeedo Roobow oo hadda ku xiran Xabsiga NISA ee Muqdisho, kuwaasi oo aad uga gadooday talaabada ay dowladdu qaaday.

Waa socdaalkii ugu horeeyay ee uu Madaxwayne Lafta Gareen uga baxo Baydhabo, tan iyo markii la doortay 19-kii bishaan, iyadoo xafiiskiisa uu diyaarinayo xafladda caleema-saarkiisa ay diyaarinayaan, taasoo la filayo in madaxda Villa Somalia ka qeyb galaan.

Lafta Gareen oo ahaa wasiirkii Biyaha iyo Tamartka ee Xukuumadda Khayre ayaa ahaa musharax kamid ah labo Musharax oo Villa Somalia u dirtay Baydhabo, iyagoo malaayiin dollar, hub iyo ciidan wata, iyadoo musharixii ugu cad-cadaa doorshada KG xabsiga la dhigay.

Doorashadii Lafta Gareen ayaa soo afjartay Mucaaradadii Villa Somalia mudado dheer uga furnayd Koonfur Galbeed, kadib markii ay saaxadda siyaasadda maamulkan ka saartay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamsa Cabdi Barre: Mucaaradka Waxay Fulinayaan Danaha Dowlado Shisheeye

Barre ayaa sheegay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ay noqdeen afhayeenno u adeegaya hadallo kasoo baxay dowlado shisheeye.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 08:28PM

Dowladda Masar oo ka hadashay Qaraxii lala eegtay Dhalinyarada qoranaysay Askarta

Bayaanka Masar ayaa si cad u sheegay taageerada dowladda Masar ee hay’adaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka iyo ciidamada amniga.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 12:56PM