Lafta Gareen oo la caleema-saarayo iyo madaxda sare oo ka qeybgalaysa

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Madaxtooyadda maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqday waqtiga ay qabsoomeysa munaasabada caleemasaarka Madaxwayne Cabdicasiis Xasan Maxamed [Lafta Gareen].

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Lafta Gareen ayaa lagu shaaciyay in xafladda caleemasaarka ay qabsoomeyso 16-ka bishaan Janaayo 2019, islamarkaana ay kasoo qaybgali doono marti-sharaf kala duwan.

Madax ka tirsan dowladda Federaalka, Xildhibaanada Federaalka, Senatoro, xubno ka socda Beesha Caalamka iyo qaybaha Bulshadda rayidka ayaa la rajaynayaa inay kasoo muuqdaan xafladaan.

Guddi heer wasiiro ah oo ka kooban 8 xubnood oo ay ku jiraan wasiirada amniga iyo warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed ayaa qaban-qaabin doono xafladda, iyaga oo casuumaad udiri doona cidda kasoo qaybgaleysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM