Lafta Gareen oo xilka kala wareegay Gudoomiyaha Baarlamanka KG

Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, C/qaadir Shariif Sheekhunaa [Maye], ayaa maanta xilka Madaxweynaha oo isaga si KMG ah u hayay si rasmi ah ugu wareejiyay Madaxweynaha cusub, Cabdicasiis Lafta Gareen.

Munaasabad kooban oo lagu qabtey Madaxtooyada ee ku taalla magaalada Baydhabo, ayuu Lafta Gareen kula wareegay xafiiska, waxaana tallaabadan ay kusoo beegmaysaa xilli wali xiisad siyaasadeed ay ka taagan tahay Koonfur Galbeed.

Lafta Gareen ayaa loo doortay Madaxwaynaha Koonfur Galbeed 19-kii bishaan kadib dooraho muran dhalisay oo ka dhacday Baydhabo, isaga oo guusha ku helay wareegii 1aad iyo 101 cod.

Maye ayaa ahaa Ku simaha Madaxwaynaha tan 7-dii November 2018, markaasi oo uu xilka iska casilay Shariif Xasan Sheekh Aadan, kaasi oo si lamid ah isaga haray gabi ahaanba tartanka madaxtinimo.

Lafta Gareen oo horey u ahaa wasiirka Biyaha iyo Tamarta Xukuumadda Khayre ayaa doorashadda ku sahal ah ugu soo baxay, kadib markii ay dowladda Federaalka xirtay Mukhtaar Roobow, oo kamid ahaa Musharaxa loo saadaalinayay xilka.

Madaxwaynaha cusub ayaa wajahaya caqabado dhowr ah oo ay ugu horeeyaan amniga, siyaasad loo dhan yahay iyo inuu heshiisiin usameeyo Beelaha ku kala irdhoobay Olalaha doorashada.

Qaban-qaabada xaflada caleemo-saarka Laftagareen ayaa socota, iyadda oo la filayo inay qabsoonto kahor sanadka cusub ee 2019 ama horaantiisa, waxaana la rajaynayaa inay kasoo muuqdaan madaxda Federaalka iyo kuwa maamulada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM