Liiska baarlamaanka labaad ee Galmudug oo lagu dhawaaqay

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa maanta oo Jimco ah shaaciyey liiska Xildhibaanada baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedkaas.

Liiska tirro ahaan ka kooban 83 mudane ayaa 20 kamid ah waxaa soo xulatay Ahlu Sunna Waljameeca kadib heshiis ay la gashay xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Ku dhawaaqista ayaa kusoo aadeysa iyaddoo ay jiraan warar kala duwan oo ku saabsan nidaamka loosoo xulay oo ay su'aal geliyeen qaar kamid ah xubnaha mucaaradka.

Guddiga ayaa sheegay in sidda ugu dhaqsiyaha badan loosoo dhameystiri doono lix xubnood oo ka dhiman tiradda guud ee baarlamaanka Galmudug oo ah 89 Xildhibaan.

Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] oo sheegay in uusan aqoonsaneyn Guddiga ku sugan Dhuusamareeb ayaa magacaabay guddi doorasho oo ku shaqeynaya Gaalkacyo.

Tani oo soo cusbooneysiisay khilaafka arrimaha doorashooyinka Galmudug ayaa waxay sare u qaadey cabsida laga qabo in maamulka Galmudug uu yeesho laba hogaan.

Puntland oo ku waanisay dowladda federaalka Soomaaliya in ay joojiso "qaadashada doorka Galmudug" ayaa ku tartarsiisay in ay dadka u madax-banaaneyso ismaamulkooda.

Hoos ka akhriso liiska

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM