Maamulada oo ka hor-yimid Xeer ay xukuumadu u gudbisay baarlamaanka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowlad Goboleedyadda xubnaha ka ah dowlada federaalka Soomaaliya ayaa qaadacay Xeerka Canshuuraha ee ay Sabtidii wasaarada Maaliyada u gudbisay Golaha Shacabka.

Sidda ku cad bayaan kasoo baxay Iskaashiga Wasaaradaha Maaliyada Maamulada, Hindisa Sharciyeedkaasi ayaa ah mid aanan wax latashi ah lagala sameyn dowladaha xubnaha federaalka.

Wasaaradda Lacagta Federaalka ah ayey ku eedeeyeen in ay iska indha tirtay in ay maamuladda ka talo geliso xeerkaan, talaabadaasi qaabka haatan loo maray baalmarsan Dastuurka qaybyada ee wadanka.

Wasiirka Maaliyada, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayay ku eedeeyeen in uu ku xadgudbay hiigsiga nidaamka federaalka ee ka dhaqan galay guud ahaan wadanka oo dhan.

Baarlamaanka Federaalka ayay rajo wanaagsan ka muujiyeen in xeerkaan uusan maal-marin, isla amrkaana uu dib ugu soo celiyo Wasaarada uu madaxda ka yahay Mr Bayle.

Go’aanka cusub ee kasoo yeeray Iskaashiga Wasaarada Maaliyadaha dowlad goboleedyadda ayaa imaanaya xili maamulada qaarkood ay horey ugu gacan-seyreen Sharciyada Bartoolka iyo Doorashooyinka.

Tani ayaa sidoo kale kusoo beegmaysa xili Shirkii Garowe ee dowlada federaalka iyo maamulada uu kusoo gabagaboobay iyadda oo aan wax heshiis ah laga gaarin khilaafkii jiray.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Farmaajo: Xasan Sheekh waa inuu maalmaha u haray ku dhawaaqaa nidaam doorasho oo loo dhan yahay

Farmaajo ayaa maamulka hadda jira ku eedeeyay inuu ku xadgudbayo xorriyadaha dastuuriga ah iyo xorriyadda hadalka.

  • Soomaliya

    08-05-2026

  • 07:51PM

Dowladda Soomaaliya oo War Cusub kasoo Saartay Kiiska Sacdiya Bajaaj ee Muqdisho Lagu Xiray

Dhanka kale, hay’adda Amnesty International ayaa hore ugu baaqday dowladda Soomaaliya in si shuruud la’aan ah loo sii daayo Sacdiya.

  • Soomaliya

    07-05-2026

  • 08:13PM