Maamulada Soomaaliya oo iska difaacay eedayntii Farmaajo [Dhageyso]

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Gollaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyadda Soomaaliya, ayaa ka hadlay khudbadii uu dhawaan Madaxwayne Farmaajo ka jeediyay Juba, taasoo uu ku weeraray madaxda maamullada dalka xilli uu khilaaf siyaasadeed jiro.

Farmaajo ayaa ku eedeeyay dowlad goboleedyada faragelin dhanka siyaasadda arrimaha dibadda dalka, oo uu sheegay inaysan ahayn howl iyaga u taalla, oo ay mas'uuliyadda dowladiisu tahay.

Afhayeenka dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Xasan oo war-fidiyeenka la hadlay ayaa gaashaanka ku dhuftay eedayntaasi, isaga oo sii xigtay dastuurka qaybo-qoraalka ah ee dalka.

“Qodobka 54aad ayaa siyaabo kala duwan u qeexaya awooda maamulada ee siyaasadda arrimaha dibadda. Hadii la doonayo wax ka duwan, waa in marka hore wax laga bedalaa dastuurka,” ayuu yiri Afhayeenka.

Cabdullaahi Sheekh Xasan oo hadalkiisa sii wata ayaa ku eedeeyay Madaxwayne Farmaajo inaanu gabi ahaanba doonaynin nidaamka Federaalka oo uu dalku qaatay, inkasta oo su’aalo badan ay ku hareeraysan tahay noociisa.

“Madaxwaynaha isaga ayaanba dooneynin nidaamka Federaalka. Waan dhageystay hadalkiisa dalal kale ayuu tusaale usoo qaatay. Hadii uusan rabin nooca dalku qaatay, waa wax laga bedalaa dastuurka,” ayuu hadalkiisa raaciyay Afhayeenka.

Safaradda ay madaxda dowlad goboleedyaddu ku tagaan wadamada caalamka oo uu Farmaajo dul-istaagay ayuu difaacay Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed, isagoo carabka ku dhuftay inay marti-qaad ka helaan dalalka ay tagayaan.

“Madaxwaynaha haatan tusaale ahaan hadii uu arrimo caafimaad u tago Kenya, lama kulmi karo Madaxwaynaha dalkaasi, isaga oo aana haysan martiqaad rasmi ah, waxaaba diidayo nidaamka,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.

Arrimahaan oo dhan ayaa kusoo aadaya xili haatan ay socoto waan-waan ku aadan sidii xal loogu heli lahaa khilaafka xar-gaha goosan raba ee dowlada dhexe iyo maamuladda, oo ay gar-wadeen ka yihiin Beesha Caalamka iyo Gollaha Aqalka sare ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM