Maamulada Soomaaliya oo iska difaacay eedayntii Farmaajo [Dhageyso]

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Gollaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyadda Soomaaliya, ayaa ka hadlay khudbadii uu dhawaan Madaxwayne Farmaajo ka jeediyay Juba, taasoo uu ku weeraray madaxda maamullada dalka xilli uu khilaaf siyaasadeed jiro.

Farmaajo ayaa ku eedeeyay dowlad goboleedyada faragelin dhanka siyaasadda arrimaha dibadda dalka, oo uu sheegay inaysan ahayn howl iyaga u taalla, oo ay mas'uuliyadda dowladiisu tahay.

Afhayeenka dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Xasan oo war-fidiyeenka la hadlay ayaa gaashaanka ku dhuftay eedayntaasi, isaga oo sii xigtay dastuurka qaybo-qoraalka ah ee dalka.

“Qodobka 54aad ayaa siyaabo kala duwan u qeexaya awooda maamulada ee siyaasadda arrimaha dibadda. Hadii la doonayo wax ka duwan, waa in marka hore wax laga bedalaa dastuurka,” ayuu yiri Afhayeenka.

Cabdullaahi Sheekh Xasan oo hadalkiisa sii wata ayaa ku eedeeyay Madaxwayne Farmaajo inaanu gabi ahaanba doonaynin nidaamka Federaalka oo uu dalku qaatay, inkasta oo su’aalo badan ay ku hareeraysan tahay noociisa.

“Madaxwaynaha isaga ayaanba dooneynin nidaamka Federaalka. Waan dhageystay hadalkiisa dalal kale ayuu tusaale usoo qaatay. Hadii uusan rabin nooca dalku qaatay, waa wax laga bedalaa dastuurka,” ayuu hadalkiisa raaciyay Afhayeenka.

Safaradda ay madaxda dowlad goboleedyaddu ku tagaan wadamada caalamka oo uu Farmaajo dul-istaagay ayuu difaacay Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed, isagoo carabka ku dhuftay inay marti-qaad ka helaan dalalka ay tagayaan.

“Madaxwaynaha haatan tusaale ahaan hadii uu arrimo caafimaad u tago Kenya, lama kulmi karo Madaxwaynaha dalkaasi, isaga oo aana haysan martiqaad rasmi ah, waxaaba diidayo nidaamka,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.

Arrimahaan oo dhan ayaa kusoo aadaya xili haatan ay socoto waan-waan ku aadan sidii xal loogu heli lahaa khilaafka xar-gaha goosan raba ee dowlada dhexe iyo maamuladda, oo ay gar-wadeen ka yihiin Beesha Caalamka iyo Gollaha Aqalka sare ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM